Soomaaliya iyo Talyaaniga oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca iyo Amniga
Muqdisho, 24 Sebteembar 2026 – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidamada Talyaaniga. Wafdiga waxaa…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho, 24 Sebteembar 2026 – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidamada Talyaaniga.
Wafdiga waxaa hoggaaminayay Taliyaha Taliska Hawlgallada Wadajirka ah ee Talyaaniga, S/Guud Giovanni Maria Iannucci, waxaana kulanka qayb ka ahaa Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò Coppi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinaca difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen arrimaha la xiriira iskaashiga milatari iyo taageerada ciidamada Soomaaliyeed.
Booqashada wafdigan ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo awoodda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale iskaashiga ay la leedahay dalalka saaxiibka ah ee dhinaca amniga iyo difaaca.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · talyaaniga · soomaaliya · wada
Keep reading
Live story thread
Open live story