Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dhul gariir ka dhcay dalka Indonesia
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi murugo leh u dirtay dadkii ay eheladooda ku waxyeelloobeen dhulgariirkii xoogganaa ee ku dhuftay jasiiradda Flores ee Jamhuuriyadda Indonesia. War Saxaafaeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa lagu sheegay in ay dowladdu aad ugu murugooneyso mashaqada ka dhacday Indonesia “ Iyadoo ku hadlaysa magaca Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, Wa

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi murugo leh u dirtay dadkii ay eheladooda ku waxyeelloobeen dhulgariirkii xoogganaa ee ku dhuftay jasiiradda Flores ee Jamhuuriyadda Indonesia.
War Saxaafaeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa lagu sheegay in ay dowladdu aad ugu murugooneyso mashaqada ka dhacday Indonesia “ Iyadoo ku hadlaysa magaca Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Dowladda iyo shacabka Indonesia, iyo dhammaan dadka ay ka geeriyoodeen eheladooda”.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay Jamhuuriyadda Indonesia xilligaan muragada badan, waxayna bogaadinasay dadaallada ay wadaan mas’uuliyiinta Indonesia ee lagu gaarsiinayo gurmadka degdegga ah bulshada ay musiibadu saameysay.
Maadaama labada dal ay yihiin xubno ka wada tirsan Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Soomaaliya iyo Indonesia waxaa ka dhexeeya xiriir ku dhisan saaxiibtinimo iyo walaaltinimo.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.