Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Wasaaradda Maaliyadda iyo UNDP oo xoojinaya iskaashiga
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa Muqdisho kula kulmay Wakiilka cusub ee UNDP, Christophoros Politis, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo sidii loo horumarin lahaa qorshayaasha maalgelinta dalka. The post Wasaaradda Maaliyadda iyo UNDP oo xoojinaya iskaashiga first appeared on Radio Dalsan .

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya, Christophoros Politis, oo booqday xarunta Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo sidii loo horumarin lahaa qorshayaasha maalgelinta dalka.
Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii loo horumarin lahaa nidaamka maaliyadeed ee dalka, loo isku xiri lahaa ilaha kala duwan ee maalgelinta, loona heli lahaa dhaqaale ku filan qorshayaasha horumarineed ee dowladda. Arrintan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah qorshaha Isku-xirka Maalgelinta Qaranka, oo loo yaqaan Integrated National Financing Framework, INFF.
Wasaaradda Maaliyadda iyo UNDP ayaa kulanka diiradda ku saaray qaab-dhismeedka INFF, isku-duwidda hay’adaha dowladda iyo horumarinta qorshayaal maalgelin oo ku wajahan mudnaanta qaranka.
INFF waa hannaan ay dowladuhu u adeegsadaan isku dubbaridka ilaha maalgelinta gudaha iyo kuwa dibadda, si dhaqaalaha loogu waafajiyo qorshayaasha horumarinta qaranka. UNDP waxay sheegtay in in ka badan 80 dal ay qaadanayaan ama hirgelinayaan habkan, iyadoo ujeeddadu tahay in la isku waafajiyo siyaasadaha maaliyadeed, maalgashiga iyo yoolalka horumarineed.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Radio Dalsan
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.