Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Soomaaliya oo ku Biirtay 15 Heshiis, Baratakool iyo Lifaaq-Sharciyeed Caalami ah oo La Xiriira Arrimaha Badaha
Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka Dowladda Federaalka…

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka Dowladda Federaalka…
Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu biirtay shan iyo toban (15) heshiis, baratakool iyo lifaaq-sharciyeed caalami ah oo la xiriira arrimaha badaha, taas oo ah tallaabadii ugu ballaarneyd uguna muhiimsaneyd ee lagu casriyeynaayo hannaanka sharciyeed ee badaha Soomaaliya tan iyo markii uu dalku xorriyaddiisa qaatay.
In kasta oo Soomaaliya ay leedahay xeeb-barriyeedka ugu dheer Afrika, isla markaana ay ku taallo marinno istiraatiiji ah oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan adduunka, haddana tan iyo 1960ki waxay ku biirtay oo keliya saddex heshiis oo caalami ah oo la xiriira arrimaha badaha.
Tallaabadan waxay ka tarjumaysaa aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in dal leh badda baaxaddaa leh aanu sii ahaan karin mid aan qeyb ka aheyn nidaamka sharciyeed ee caalamiga ah ee khuseeya badaha. Muddo dheer ayey xaddidnaanta ku biirista heshiisyada muhiimka ah ee caalamiga ahi waxay caqabad ku ahayd in Soomaaliya si buuxda uga mid noqoto nidaamka gaadiidka badda ee caalamiga ah, soo jiidashada maalgashiga shisheeye iyo kor u qaadidda badqabka iyo amniga badaha. Maantana Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qaaday tallaabo taariikhi ah oo lagu saxayo xaaladdaas.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Horseed Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.