Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ฅ๐ ๐ช๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ญ๐๐ซ
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar, ahna Wasiirka Difaaca, Mudane Sheekh Sucuud Bin Cabdiraxmaan Bin Xasan Al Taani. Kulanka, oo qayb ka ahaa kulamadii rasmiga ahaa ee uu Raโiisul Wasaaruhu la qaadanayay madaxda ugu sarreysa dalka Qatar, ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga [

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar, ahna Wasiirka Difaaca, Mudane Sheekh Sucuud Bin Cabdiraxmaan Bin Xasan Al Taani.
Kulanka, oo qayb ka ahaa kulamadii rasmiga ahaa ee uu Raโiisul Wasaaruhu la qaadanayay madaxda ugu sarreysa dalka Qatar, ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, difaaca iyo xasilloonida gobolka iyo dunida, gaar ahaan sidii si wadajir ah looga hortagi lahaa khataraha ka dhasha argagixisada xuduudaha ka tallaabta, kuwaas oo halis weyn ku haya Soomaaliya.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa Mudane Sheekh Sucuud uga warbixiyay guulaha laga soo hoyiyay xasillinta amniga magaalooyinka waaweyn iyo hawlgallada lagu qaaday kooxaha Khawaarijta.
Dhankiisa, Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar, Mudane Sheekh Sucuud Bin Cabdiraxmaan Bin Xasan Al Taani oo ugu yimid hoyga uu Dooxa ka degenyahay Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya , ayaa sheegay in Dowladda Qatar ay garab taagan tahay Soomaaliya, ayna diyaar u tahay in la sii ballaariyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkastaโs monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkastaโs monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.