Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐๐จ๐จ๐ฐ๐๐๐ ๐๐ ๐๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ข๐ซ๐๐๐๐๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐๐ช-๐๐๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maalinkii shalay shir-guddoomiyay kulankii koowaad ee Guddiga Qaran ee Horumarinta Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha mudnaanta u leh guddiga iyo sidii loo gaari lahaa natiijooyin wax-ku-ool ah oo horseeda horumarinta xirfadaha iyo abuurista fursado shaqo oo waara oo ay

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maalinkii shalay shir-guddoomiyay kulankii koowaad ee Guddiga Qaran ee Horumarinta Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha mudnaanta u leh guddiga iyo sidii loo gaari lahaa natiijooyin wax-ku-ool ah oo horseeda horumarinta xirfadaha iyo abuurista fursado shaqo oo waara oo ay ka faaโiidaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed.
Hawl-wadeennada Xafiiska Raโiisul Wasaaraha ee qaabilsan arrimaha shaqo abuurka ayaa kulanka ku soo bandhigay waajibaadka iyo muhiimadda guddiga, hannaanka qaran ee isku-dubbaridka horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka, iyo qorshaha hawlaha mudnaanta leh. Sidoo kale, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa soo bandhigtay Siyaasadda Barashada Farsamada iyo Tababarka Xirfadaha, oo muhiim u ah dhismaha xirfado la jaanqaadaya baahida suuqa shaqada iyo fursadaha dhaqaale ee dalka.
Raโiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa adkeeyay baahida loo qabo in horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka loo wajaho hannaan qaran oo mideysan, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta horumarintu ay ku shaqeeyaan hal jiho oo isku xiraysa xirfadaha, baahida suuqa shaqada, maalgashiga iyo shaqo-abuurka.
Ujeeddadu waa in dadaallada iyo maalgashiyada kala duwan ee dalka ka socda loo beddelo natiijooyin la cabbiri karo oo horseeda xirfado tayo leh, shaqooyin waara iyo koboc dhaqaale oo loo dhan yahay.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkastaโs monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkastaโs monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.