Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Taliyaha ciidanka dhulka oo kulan la qaatay saraakiisha ciidanka Waqooyi Bari
Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliya Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wafdi saraakiil… Sii akhri

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliya Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayay taliyaha ciidanka daraawiishta ee maamulka Waqooyi Bari Col. Cabdirashiid Axmed Nuur (Fool-Dahab).
Saraakiisha labada dhinac ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen xoojinta sugidda amniga iyo xasilloonida deegaannada maamulka Waqooyi Bari.
Qoraal ka baxay taliska ciidanka xoogga dalka ayaa lagu yiri “taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayay Gaashaanle Sare Cabdirashiid Axmed Nuur (Fool-Dahab), taliyaha ciidanka daraawiishta ee Waqooyi Bari Soomaaliya”.
“Saraakiisha ayaa taliyaha uga warbixiyay xaaladda guud ee amniga deegaannada Waqooyi Bbari Soomaaliya, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay xoojinta sugidda iyo dardargelinta dadaallada lagu lagu xaqiijinayo amni waara iyo xasilloonida deegaannadaas” ayaa la raaciyay.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.