Taliye Shub oo shaaciyay xogta ninkii hoggaaminayay weerarkii lagu qaaday gurigiisa + Video
Doolow (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) oo wareysi siiyay Geed-Fadhi ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan qaraxii saddexdii bishan ka dhacay gurigiisa degmada Doolow ee gobolka Gedo, kaas oo…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Doolow (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) oo wareysi siiyay Geed-Fadhi ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan qaraxii saddexdii bishan ka dhacay gurigiisa degmada Doolow ee gobolka Gedo, kaas oo dhaliyay hadal-heyn xooggan.
Mahad Cabdiraxmaan oo sodog u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Gabeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa marka hore ka sheekeeyay sida ay wax u dheceen, iyo xogta laga hayo cidda ka dambeysay weerarka lagu beegsaday.
Taliyaha ayaa xusay in weerarka ay fulisay “diyaaradda F-16 ee Turkiga”, wuxuuna tilmaamay in laba gantaal ay ku dhufteen gurigiisa, kuwaas oo sababay burbur xooggan oo soo gaaray qaybaha kala duwan ee dhismaha.
“Habeen habeennada kamid ah 12:00 Am marka ay tahay ayaa waxaan arkay diyaaradda F-16 oo i kor taagan qaylineyso waan kusoo kacay kadibna waxa igu dhacay hal gantaal mar labaad kii kale ayaa isna yimid labadaas gantaal ayay igu tuurtay Ilaahey waxba iguma gaarsiinin,” ayuu yiri Taliye Shub.
Waxaa kale oo uu intaa sii raaciyay “Gantaallada waxa ay ku dhaceen meesha aan jiifay madaxeyga meel kale kuma dhicin labaduba mid baa moodaa inuu qolkii aan deganaa uu dhex-galay, kaas oo burbur gaarsiiyay guriga”.
Dhaawiciisa
Taliye Shub ayaa intii uu ku guda jiray wareysiga ka warbixiyay sida ay wax u gaareen, isaga oo tilmaamay in dhaawacyo ay kasoo gaareen firirka qaraxa. Wuxuu sidoo kale soo bandhigay firir ku jiray wajigiisa, iyadoo dhaawaca soo gaaray uu ka muuqday wejigiisa.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in markii uu qaraxu dhacay uu si degdeg ah uga baxay guriga, kadibna uu lug ku tegay isbitaalka guud ee Doolow, halkaas oo loogu fidiyay gurmad caafimaad, laguna daweeyay, isagoo sheegay in haatan xaaladdiisa caafimaad ay soo hagaagtay.
Cidda hoggaamineysay weerarka
Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) wuxuu sidoo kale shaaciyay xog ku saabsan cidda hoggaamineysay diyaaradda, isaga oo sheegay inuu ka dambeeyay nin darawal u ah oo ku sugnaa guriga, kaas oo uu xaqiijiyay in haatan uu xiran yahay, ayna ku socdaan baaritaanno la xiriira dhacdadaasi.
“Isbitaalka markii aan tegay oo aan waxyar joogay waxaa ii yimid guddoomiyihii degmada nin darawal ahaa inta uu fiiriyay ayuu dhab dhahay kadibna xiray qoraygiina ka qaaday arrinkaas saas ayuu u dhacay,” ayuu yiri.
Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in horay looga shakiyay ninkan, isla markaana uu Muqdisho u diray, balse uu mar kale wacay kuna laabtay degmada Doolow, iyadoo qaraxu dhacay saddex maalin isaga oo joogo guriga.
“Qodobka kale ninkii gaariga ii wadaayay ee uu guddoomiyuhu xiray inuu hoggaaminayay ayaa isoo baxday ninkaas waa wiil yar oo markii hore Xamar darawalkayga ku ahaa niman siyaasiyiin oo saaxibadey ah oo dhowr habeen ila joogay waxay igu yiraahdeen ninkaas waa ka shakinay iska fasax, aniguna shaki ayaa i galay wiilka kolba taleefan ayuu meel la’istaagaa, waana arkay isagoo hoos u hadlaayo, kadibna Xamar ayaan u diray, haddane mar labaad ayuu ii soo laabtay,” ayuu mar kale ku yiri Wareysiga.
Waxaa kale oo kusii daray “Qiso kalena waxay ahayd niman fuundiyaal ah oo guriga dayac tirayay aya sheegay inuu afarta jiho ka sawiray guriga. Waxaa kale oo yaableh gabar shaqaale ah oo guriga joogta ayaa qolka ugu gashay isagoo wax ku qor-qoranaayo waa meesha madaxeyga ah gabadhii waxay ku tiri nalkaan waa la daminayaa ee bannaanka u bax igu dami ayuu yiri ee iska soco shaqo ayaan haystaa, waana habeenka uu qaraxu dhici doono, tanina halkaas ayay kasoo boodaY. mmaxaa mugdigan geliyay oo ku sababay? waa information is doonanaayo illaa Baydhaba iyo Doolow”.
Si kastaba, ha’ahaatee, Weerarkii lagu qaaday guriga taliye Shub ayaa sare u qaaday xiisadda ka taagan Koonfur Galbeed oo ay horay uga dhaceen dagaallo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · shub · gurigiisa · video
Keep reading
Live story thread
Open live story