Wararkii ugu dambeeyay Duqeymo ka dhacay Duleedka Baydhabo
Warar laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xalay duqeymo cirka ah laga fuliyay deegaanno ku yaalla duleedka magaalada, xilli xaaladda amni ee magaalada iyo nawaaxigeeda ay kacsan tahay.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Axad 20 Sep 2026 {HMC} Warar laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xalay duqeymo cirka ah laga fuliyay deegaanno ku yaalla duleedka magaalada, xilli xaaladda amni ee magaalada iyo nawaaxigeeda ay kacsan tahay. GeographicReference
Dadka deegaanka iyo ilo maxalli ah ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay deegaanka Iidow Dhagaal, halka duqeymo kale laga soo sheegay deegaannada Haawal Aruunde, Ceeldoon iyo Saydheelow.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka, duqeymaha ayaa lagu bartilmaameedsaday ciidamo la sheegay inay taabacsan yihiin madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, kuwaas oo la sheegay inay tiro badan ku soo ururayeen duleedka Baydhabo habeenkii Jimcaha.
Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa u muuqda inuu muujinayo xilliga ay duqeyn ka dhacday deegaanka Iidow Dhagaal, hase yeeshee lama xaqiijin si madax-bannaan cidda fulisay duqeymaha, diyaaradaha loo adeegsaday iyo bartilmaameedyada rasmiga ah.
Sidoo kale, illaa hadda lama hayo xog rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeymaha, inkastoo ilo deegaanka ah ay sheegeen in dadka ku nool deegaannada ku dhow goobaha la weeraray ay soo wajahday cabsi iyo kala carar.
Duqeymahan ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed ay sii xoogeysanayso, iyadoo dhinacyada taageersan Lafta-gareen iyo kuwa ku dhow Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe, ay ku kala aragti duwan yihiin arrimaha siyaasadda iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Baydhabo iyo deegaannada ku dhow ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga soo sheegayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan, iyadoo dhinacyada isku haya siyaasadda Koonfur Galbeed ay midba midka kale ka tabanayo dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo qorshayaal la xiriira mustaqbalka maamulka.
Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana la filayaa in faahfaahin dheeraad ah laga helo cidda fulisay duqeymaha iyo khasaaraha ka dhashay, inkastoo muddooyinkii dambe Turkiga lagu eedeynayay inuu ka dambeeyo duqeymaha Koonfur Galbeed ka dhacayay.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Hiiraanweyn
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · duleedka · baydhabo · duqeymo
Keep reading
Live story thread
Open live story