Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Tirada dhimashada daadadkii Nepal oo kor u dhaaftay 1,000, kumannaan weli la la’yahay
Tirada dadka ku dhintay daadad xooggan oo ku dhuftay Nepal ayaa kor u dhaaftay 1,000 qof, halka in ka badan 3,900 qof weli la la’yahay, sida ay sheegeen hay’adaha gurmadka musiibooyinka ee dalkaasi
Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Tirada dadka ku dhintay daadad xooggan oo ku dhuftay Nepal ayaa kor u dhaaftay 1,000 qof , halka in ka badan 3,900 qof weli la la’yahay, sida ay sheegeen hay’adaha gurmadka musiibooyinka ee dalkaasi.
Qayb weyn oo ka mid ah dadka la la’yahay ayaa la rumeysan yahay inay yihiin shaqaale ka howlgalayay mashaariicda korontada biyaha laga dhaliyo ee ku teedsan webiga Trishuli , gaar ahaan meelaha u dhow xadka Nepal iyo Tibet.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in in ka badan 600 shaqaale ah ay ku jireen nidaamyo tunnel ah oo hoos mara dhulka markii daadadku ku dhufteen goobaha korontada. Kooxaha samatabbixinta ayaa hawada ku shubaya qaar ka mid ah tunnelada, iyagoo rajeynaya in dad weli nool laga heli karo gudaha.
Ra’iisul Wasaaraha Nepal, Balendra Shah , ayaa sheegay in ugu yaraan 279 qof laga soo badbaadiyay goobaha ay daadadku saameeyeen, iyadoo ciidamada Nepal iyo Shiinaha ay hormuud ka yihiin hawlgallada gurmadka.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.