Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Wafdi ka socda Aqalka Sare oo Ka Qeyb Galay Shirweynaha Baarlamaanka Carabta ee Qaahira
Qaahira, Masar – Wafdi heer sare ah oo ka socda Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 8-aad ee Baarlamaanka Carabta iyo Guddoomiyaasha Baarlamaannada Carabta, kaas oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira ee dalka Masar. Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Senator Cabdixakiim Macallim Axmed Maalin, oo intii [&

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Qaahira, Masar – Wafdi heer sare ah oo ka socda Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 8-aad ee Baarlamaanka Carabta iyo Guddoomiyaasha Baarlamaannada Carabta, kaas oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Senator Cabdixakiim Macallim Axmed Maalin, oo intii uu shirku socday khudbad ka jeediyay madasha, kuna soo bandhigay aragtida Soomaaliya ee ku aaddan muhiimadda iskaashiga dalalka Carabta.
Senator Cabdixakiim ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo xoojinta iskaashiga dhinacyada isbeddelka dhijitaalka ah, ilaalinta xogta qaranka, horumarinta amniga internet-ka iyo dejinta sharciyo casri ah oo la jaanqaadaya horumarka tiknoolajiyadda.
Shirweynaha ayaa sidoo kale ansixiyay qaraarro dhowr ah, oo uu ku jiro qaraar si gaar ah u taabanaya Soomaaliya, kaas oo lagu cambaareeyay Israa’iil, laguna muujiyay diidmada faragelinta iyo xadgudubyada lagu sheegay inay ka waddo dalalka Carabta, gaar ahaan Soomaaliya, Lubnaan iyo Suuriya.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.