Wararkii ugu dambeeyay ee Muqdisho
Madaafiic culus ayaa laga maqlayaa xaafadaha degmada Howlwadaag iyo xaafada Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis, halkaas oo ilaa shalay galab ay… Sii akhri
Madaafiic culus ayaa laga maqlayaa xaafadaha degmada Howlwadaag iyo Mirinaayo, halkaas oo dagaallo u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda federaalka Soomaaliya ka socdaan.
Maxaa la shaaciyey
- Dagaallo ayaa ka socda degmada Cabdicasiis, iyadoo madaxweyne hore Sheekh Shariif iyo Ra'iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre ay halkaas ku sugan yihiin.
- Shacabka ku nool xaafadahaas ayaa inta badan barakacay, waxaana hoobiyeyaal ku dhaceen xaafado ay degan yihiin dad rayid ah.
- Dagaalka ayaa u muuqda mid halis ah, iyadoo aan la saadaalin karin sida xaalku sii ahaan doono.
“Magaalada Muqdisho ayaa u muuqato in ay gashay marxalad dagaal oo halis badan.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan xaaladda amni ee Muqdisho iyo saameynta ay ku yeelan karto bulshada.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Madaafiic culus ayaa laga maqlayaa xaafadaha degmada Howlwadaag iyo xaafada Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis, halkaas oo ilaa shalay galab ay dagaallo ku dhexmarayeen mucaaradka iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Labada aag ee dagaalka uu ka socdo waxaa ku sugan madaxweyne hore Sheekh Shariif iyo Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre, waxaana inta badan barakacay shacabkii ku noolaa xaafadahaas.
Dhinacyada Muqdisho ku dagaalamayo waxay isu adeegsadeen hoobiyeyaal ay qaarkood ku dhaceen xaafado ay degan yihiin dad rayid ah, kuwaas oo gaystay dhaawacyo iyo burbur hantiyeed, sida ay muujiyeen muuqaalo iyo sawiro lagu baahiyay baraha bulshada.
Ilaa hadda lama oga inta uu le’eg yahay khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray dhinacyada dagaalamayo, maadaama uu dagaalka intiisa badan dhacay xilli habeenimo.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan