Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Beledweyne kadib..
Beledweyne (Caasimada Online) – Gudoomiyaha degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Cumar Cismaan Calasow ayaa faah-faahin ka bixiyay xaaladda magaaladaasi, kadib markii shalay maleeshiyaad hubeysan ay carqaladeeyeen amniga goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka HirShabelle. Maleeshiyaadka oo sheegay inay diidan yihiin hannaanka wax loo wado ayaa sheegtay inay la wareegeen xarunta

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Beledweyne (Caasimada Online) – Gudoomiyaha degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Cumar Cismaan Calasow ayaa faah-faahin ka bixiyay xaaladda magaaladaasi, kadib markii shalay maleeshiyaad hubeysan ay carqaladeeyeen amniga goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka HirShabelle.
Maleeshiyaadka oo sheegay inay diidan yihiin hannaanka wax loo wado ayaa sheegtay inay la wareegeen xarunta doorashada, ayna kasoo horjeedaan hannaanka loo maamulayo doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiilada iyo Deegaanka.
“Dadka deegaanka oo hubaysan ayaa nahay, waxaan la wareegnay goobtii doorashadda loogu talagalay, dagaal ayaan ka xignaa in Beledweyne doorasho ku sheeg ay ka dhacdo, Xasan Sheekh waxaan la soconaa in kaarka uu siiyay Cali Guudlaawe,” ayuu yiri hoggaamiye u hadlay maleeshiyaadka.
Intaas kadib, waxaa soo jawaabay guddoomiyaha degmada Beledweyne oo beeniyay in lala wareegay xarumaha doorashada, wuxuuna shaaca ka qaaday xaaladda guud ee magaalada ay tahay mid nabdoon oo deggan.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.