Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka ee Aljeeriya, hoggaankeeda, dowladdeeda iyo shacabkeeda, kaddib dabkii naxdinta lahaa ee ka kacay xarun lagu daryeelo carruurta oo ku taalla degmada Mohammadia ee magaalada Algiers, kaas oo sababay dhimashada dhowr carruur ah iyo dh

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka ee Aljeeriya, hoggaankeeda, dowladdeeda iyo shacabkeeda, kaddib dabkii naxdinta lahaa ee ka kacay xarun lagu daryeelo carruurta oo ku taalla degmada Mohammadia ee magaalada Algiers, kaas oo sababay dhimashada dhowr carruur ah iyo dhaawaca tiro kale.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay garab taagan tahay walaalaheeda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka ee Aljeeriya xilligan murugada leh, iyadoo tacsi tiiraanyo leh u diraysa qoysaska iyo ehellada ay ka geeriyoodeen carruurtaasi.
Wasaaraddu waxay Alle SWT uga baryaysaa waalidiinta ay carruurtoodu ku geeriyoodeen dhacdadan murugada leh inuu samir iyo iimaan ka siiyo, kuwa dhaawacmayna waxay Alle uga baryaysaa inuu siiyo caafimaad degdeg ah. Sidoo kale, waxay Jamhuuriyadda Aljeeriya iyo shacabkeeda u rajaynaysaa nabad, amni iyo xasillooni waarta.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.