Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐๐๐๐ ๐ฅ๐๐ ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐๐ฒ ๐ฑ๐ข๐ฌ๐๐๐-๐ฑ๐ข๐ซ๐ค๐ ๐ฆ๐ข๐ข๐ฌ๐๐๐ง๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐๐๐
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo manta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira dhaqaalaha, amniga iyo difaaca dalka. Kulanka Golaha oo uu shir-guddoomiyey Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan amniga dalka

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo manta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira dhaqaalaha, amniga iyo difaaca dalka.
Kulanka Golaha oo uu shir-guddoomiyey Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan amniga dalka , taas oo muujisay isbeddel togan oo laga sameeyay sugidda amniga iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen ciidamada qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed, kuwaasi oo horumar la taaban karo ka sameeyay goobaha la dagaalka, isla markaana jab xooggan gaarsiiyey Khawaarijta.
Golaha, ayaa warbixin dhamaystiran ka dhagaystay Wasaaradda Maaliyadda XFS, taasi oo ku saabsan Xisaab-xirka sanadeedka 2025, iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, canshuuraha gudaha iyo dib-u-habeynta Maaliyadeed ee dowladda Soomaaliya. Warbixinta wasaaradda ayaa lagu sheegay in uu kordhay dhaqaalaha dalka boqolkiiba 3.1% gaar ahaan hal-beegga GDP-ga ee lagu qiyaaso dakhliga guud ee dalka soo gala.
Raโiisul Wasaare Xamsa, oo warbixinta kadib golaha hadal kooban u jeediyay ayaa sheegay sida ay muhiim u tahay in dadka Soomaaliyeed ay gaaraan isku filnaansho dhaqaale, ka faaโideysiga wax-soo-saarka dalka, khayraadka kale, kordhinta dakhli-uruurinta gudaha, dhiirrgalinta maalgashiga, xoojiyo daah-furnaanta dhaqaale iyo isla-xisaabtanka, iyo waliba beekhaaminta raasumaalka.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkastaโs monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkastaโs monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.