Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa hambalyo ku aaddan Maalinta Ciida Carafada u dirtay dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shaqaalaha Dowladda, shaqaalaha gaarka ah iyo kuwa hay’adaha aan Dowliga ahayn. Ciida Carafo waa maalmo farxadeed oo kheyr badan xambaarsan, diinta islaamkana qiimo wayn ku leh, maadaama ay la xiriirto cibaadooyinka […]
Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa hambalyo ku aaddan Maalinta Ciida Carafada u dirtay dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shaqaalaha Dowladda, shaqaalaha gaarka ah iyo kuwa hay’adaha aan Dowliga ahayn.
Ciida Carafo waa maalmo farxadeed oo kheyr badan xambaarsan, diinta islaamkana qiimo wayn ku leh, maadaama ay la xiriirto cibaadooyinka waaweyn ee Xajka iyo maalinta Carafo oo ah maalin fadligeeda badan yahay.
Sidoo kale waa maalmo fasax ah sida ku cad Sharci Lr. 36aad, Qodobka 65aad, Fasaxyada Qaranka Farqadiisa 4-aad, Xarafka [KH] oo qeexaya fasaxa ciida Carafo.
Haddaba Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay ku wargalinaysaa dhammaan hay’adaha Dowladda, kuwa aan Dowliga ahayn iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay in ay shaqaalaha fasax yihiin ciida awgeed muddo saddex (3) maalmood ah, laga bilaabo maalinta Arbacada, 27/05/2026, kuna eg maalinta Sabtida, 30/05/2026. Maadaama uu qabo xeerka shaqada in fasaxa ciida carafada yahay saddex maalmood.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.