Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo Kormeeray Xarumaha Cusub ee Ciidamada
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Issack Mohamed Issack (Korsaar), oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay xarumaha cusub ee dhowaan la dejiyey ciidamada.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Sabti 19 Sep 2026 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Issack Mohamed Issack (Korsaar), oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay xarumaha cusub ee dhowaan la dejiyey ciidamada.
Wasiirka waxaa booqashada ku wehliyey Abaan-duulaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Saldhigga iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada ammaanka.
Ujeeddada booqashada ayaa ahayd in Wasiirka iyo saraakiishu ay indha-indheyn ku sameeyaan xaaladda xarumaha cusub, goobaha ay ciidamada ku sugan yihiin iyo adeegyada loo diyaariyey, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay xoojinta howlaha amniga iyo daryeelka ciidamada.
Wasiirka ayaa saraakiisha iyo ciidamada ku bogaadiyey dadaallada ay ku bixinayaan sugidda amniga, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo diyaar-garowga ciidamada.
Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Hiiraanweyn
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · wasiirka · koonfur · galbeed