Wasiirka Gaashaandhigga oo Qaabilay Wafdi Saraakiil Ciidan ah oo ka Socday Masar
Muqdisho — Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo booqasho ku jooga Soomaaliya, kuwaas oo uu wehliyo Danjiraha Jamhuuriyadda Carabta Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho — Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo booqasho ku jooga Soomaaliya, kuwaas oo uu wehliyo Danjiraha Jamhuuriyadda Carabta Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Salaax Keshtah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyadoo labada dhinac ay is-weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan arrimaha danaha wadaagga ah iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa bogaadiyey garab-istaagga Dowladda Masar ee ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, iyo taageerada ay siiso dadaallada Soomaaliya ee la-dagaallanka argagixisada iyo dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · ciidan · wafdi · wasiirka
Keep reading
Live story thread
Open live story