Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo qaabilay Danjiraha Masar iyo wafdi saraakiil ciidan
Muqdisho, 20 Sebtembar 2026: Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Carabta Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Salaax Keshtah, iyo…
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Muqdisho, 20 Sebtembar 2026: Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Carabta Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Salaax Keshtah, iyo wafdi saraakiil ciidan ah oo booqasho ku jooga dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinaca difaaca iyo milatariga ee Soomaaliya iyo Masar, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo khuseeya iskaashiga labada dal.
Wafdiga saraakiisha Masar ayaa sidoo kale booqasho ku jooga Soomaaliya, iyadoo kulamadooda ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha difaaca ee labada dal.
Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo Masar ay leeyihiin xiriir iskaashi oo dhinacyo badan leh, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca iyo tababarrada ciidamada.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Goobjoog Somali
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · gaashaandhigga · wasiirka · masar
Keep reading
Live story thread
Open live story