Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabillay, soo dhoweyn diirranna ugu sameeyay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò Coppi. Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ugu horeyn si wadajir ah u booqday Xarunta Tiyaatarka Qaranka, iyo waaxyaha Warbaahinta Dowlad

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabillay, soo dhoweyn diirranna ugu sameeyay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò Coppi.
Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ugu horeyn si wadajir ah u booqday Xarunta Tiyaatarka Qaranka, iyo waaxyaha Warbaahinta Dowladda iyo Kaydka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, halkaas oo ay ka socdeen shaqooyinka maaliinlaha ah ee Hay’adahani.
Booqashada kadib Wasiirka ayaa kulan la qaatay Danjiraha iyagoo kawada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan dhinacyada horumarinta warbaahinta, Warfaafinta ,dhaqanka, dalxiiska, tababarrada xirfadeed iyo kobcinta awoodda hay’adaha Wasaaradda.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha warbaahinta ee labada dal, dib u soo nooleynta Barnaamijka Luuqadda Talyaaniga ee Radio Muqdisho, horumarinta filimada iyo is-dhaafsiga dhaqanka, si loo sii xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.