Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania
Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xirsi Jaamac Gaani oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Tanzania, ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania,waxana halkaa ku soo dhaweeyey Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, Mudane Ilyaas Cali Xasan iyo masuuliyiinta Safaaradda. Wasiiru Dowlaha ayaa warbixin ka dhag

Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xirsi Jaamac Gaani oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Tanzania, ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania,waxana halkaa ku soo dhaweeyey Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, Mudane Ilyaas Cali Xasan iyo masuuliyiinta Safaaradda.
Wasiiru Dowlaha ayaa warbixin ka dhageystay masuuliyiinta Safaaradda, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka labada dal iyo dardargelinta adeegyada loo qabta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Sidoo kale Wasiiru Dowlaha iyo wafdigiisa ayaa kulan casho-sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee hormuudka u ah ganacsiga dalka Tanzania. Kulanka ayaa looga hadlay doorka ganacsatada Soomaaliyeed, fursadaha maalgashi iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka dhaqaale iyo ganacsi ee Soomaaliya iyo Tanzania.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Somali National TV
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.