Xamse: Ma siyaasadeyno dhaqaalaha aan siino dowlad goboleedyada
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan siyaasadeyn dhaqaalaha ay siiso dowlad goboleedyada, isaga oo… Sii akhri
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan siyaasadeyn dhaqaalaha ay siiso dowlad goboleedyada, isaga oo xusay in sanadkii tagey ee 2025 uu ahaa kii dhaqaalaha ugu badan la siiyay.
“Dowladdu ma aysan siyaasadeyn, mana siyaasadeyn doonto taageerada dhaqaale ee ay siiso dowlad goboleedyada. Sanadkii 2025 wuxuu ahaa sanadkii dhaqaalaha ugu badan la siiyay dowlad goboleedyada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu soo bandhigayay warbixinta dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadkii 2025, taas oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.
Hadalka Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa yimid, iyada oo Puntland mararka qaarkood ku eedeyso Dowladda Federaalka in ay siyaasadeyso dhaqaalaha caalamku siiyo Soomaaliya.
PUNTLAND POST
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Puntland Post
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · goboleedyada · dhaqaalaha · xamse
Keep reading
Live story thread
Open live story