Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.
Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay hannaankii awood-qaybsiga beelaha
Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay hannaankii awood-qaybsiga ku salaysnaa beelaha Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay xafladda xiritaanka la-xisaabtanka sannadlaha ah ee Wasaaradaha Xukuumadda, oo lagu soo bandhigay natiijooyinka waxqabadka iyo heerka ay ka gaa

Reader briefing
Article context
What happened
- President Hassan Sheikh Mahmoud stated that Somalia has moved beyond the clan-based power-sharing system during the closing ceremony of the annual accountability of government ministries.
Key claims
- President Hassan Sheikh Mahmoud stated that Somalia has moved beyond the clan-based power-sharing system.
- The President made this statement during the closing ceremony of the annual accountability of government ministries.
- The President awarded medals to the Ministries of Finance and Foreign Affairs for their top performance in the evaluation.
- The President emphasized the importance of accountability and continuous evaluation of performance results.
Source limitations
- The article does not include responses from any parties being criticized or accused.
- Claims are based on statements made by the President without independent verification.
- No specific details on the evaluation criteria or results are provided.
Reader takeaway
The President's remarks indicate a shift in governance approach, focusing on accountability and performance evaluation.
What remains unclear
- What specific changes have been made to move beyond the clan-based power-sharing system?
- How will the government ensure that the needs of the Somali people are met in future planning?
- What were the specific criteria for the evaluations of the ministries?
Why it matters
The article does not provide enough independently verified detail to assess the specific significance of this event beyond what is reported.
Original Somali report
Original sourceOriginal
Original source text
The original source text is split into readable paragraphs for easier review.
Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay hannaankii awood-qaybsiga ku salaysnaa beelaha Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay xafladda xiritaanka la-xisaabtanka sannadlaha ah ee Wasaaradaha Xukuumadda, oo lagu soo bandhigay natiijooyinka waxqabadka iyo heerka ay ka gaareen fulinta qorshayaashii loo dejiyay, gaarista bartilmaameedyadii loo asteeyay iyo gudashada waajibaadkooda sannadka 2026.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa billado guddoonsiiyay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda, kuwaas oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeyntii la sameeyay sannadkan. Sidoo kale, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayuu ku abaalmariyay hirgelinta hannaanka dijitaalka ah ee la socodka waxqabadka Wasaaradaha.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Xukuumadda dadaalka ay ku bixisay hirgelinta qorshayaasha dowladda iyo horumarinta adeegyada bulshada, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay la-xisaabtanka hay’adaha iyo howl-wadeennada dowladda, hufnaanta shaqada iyo in si joogto ah loo qiimeeyo natiijooyinka waxqabadka.
Source noteWhy this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
Why this story appears
This report is shown because it came from Warkasta’s monitored source network and matches the current section, recency, and coverage labels.
- Source count
- 1
- Sources used
- Shabelle Media
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Stay informed
Get Warka in your inbox. No noise, just what matters.