Xisbiga Shaakir oo sheegay in aargoosi looga reebay doorashada Galmudug
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ururka siyaasadeed ee Towfiiq oo uu hoggaamiyo Sheekh Shaakir ayaa si adag uga horyimid go’aanka guddiga doorashada ee looga reebay liiska ururrada loo oggolaaday inay ka qeyb galaan doorashada ku celiska ah ee maamulka Galmudug.
Reading language
The original report is shown while a translation is prepared.

Original Somali report
Original sourceOriginal source text
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ururka siyaasadeed ee Towfiiq oo uu hoggaamiyo Sheekh Shaakir ayaa si adag uga horyimid go’aanka guddiga doorashada ee looga reebay liiska ururrada loo oggolaaday inay ka qeyb galaan doorashada ku celiska ah ee maamulka Galmudug.
Ururka ayaa sheegay inuusan aqbalayn go’aankaasi, isagoo caddeeyay inuu diyaar u yahay ka qeyb-galka doorashada, balse uu doonayo in hannaanka doorashada loo maro sharciga, xeerarka iyo habraacyada loo dejiyay.
Towfiiq ayaa sheegay in arrinta ay si gaar ah walaac ugu abuurtay, maadaama uu ahaa ururkii horey maxkamadda uga dalbaday in dib loogu laabto doorashadii Galmudug, kadib markii uu ku dooday in la jebiyay qaar ka mid ah shuruucda iyo habraacyada doorashada.
“Waxaa layaab noqotay in ururkii dalbaday saxidda doorashada uu baraha bulshada ku arko ka reebiddiisa doorashada,” ayuu yiri Towfiiq, oo wax lala yaabo ku tilmaamay go’aanka guddiga doorashada.
Ururka ayaa sidoo kale xusay in guddiga doorashada ay hayaan liiska musharraxiintiisa u tartamaya labada gole, taas oo uu ku tilmaamay caddeyn muujinaysa in Towfiiq uu diyaar u ahaa ka qeybgalka hannaanka doorashada.
Towfiiq ayaa guddiga doorashada ugu baaqay inay ilaaliyaan dhex-dhexaadnimada, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo loo fasiran karo eex ama takoor siyaasadeed. Ururka ayaa tilmaamay in go’aanka looga reebay doorashada uu u muuqdo mid aargoosi ah oo xiriir la leh dacwaddii uu horey uga gudbiyay natiijadii doorashada.
“Waxaan aaminsanahay in go’aankan uu xiriir la leeyahay dacwaddii aan horey uga gudbinnay natiijadii doorashada,” ayuu ururku sheegay, isagoo ku tilmaamay arrintaas mid aan waafaqsanayn mabaadi’da caddaaladda iyo hannaanka doorashooyinka xorta ah.
Ururka Towfiiq ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya inuu arrinta soo farageliyo, isla markaana uu gacan ka geysto sidii loo xaqiijin lahaa u hoggaansanaanta sharciga iyo hanaan doorasho oo cadalaad ah.
“Taageerayaasheena iyo bulshada reer Galmudug waxaa ugu baaqayna inay u diyaar garoobaan kulamo iyo bannaanbaxyo nabadeed oo lagu muujinayo mowqifkooda ku aaddan doorashada ay ku doonayaan inay u dhacdo si xor iyo xalaal ah,” ayuu ugu dambeyntiina ku baaqay ururka.
The post Xisbiga Shaakir oo sheegay in aargoosi looga reebay doorashada Galmudug appeared first on Caasimada Online .
Context and open questions
Reader briefing
Article context
What happened
- The political party Towfiiq, led by Sheikh Shaakir, has opposed the election committee's decision to exclude them from participating in the Galmudug elections. They claim this decision is retaliatory and have called for intervention from the President of Somalia.
Key claims
- The political party Towfiiq, led by Sheikh Shaakir, opposes the election committee's decision to exclude them from the list of organizations allowed to participate in the Galmudug elections.
- Towfiiq claims that the decision to exclude them appears to be retaliatory and related to a previous complaint they made regarding the election results.
- Towfiiq has called on the President of Somalia to intervene in the matter to ensure adherence to legal and fair electoral processes.
- Towfiiq has urged its supporters and the Galmudug community to prepare for peaceful meetings and demonstrations to express their stance on the elections.
Source limitations
- The article does not include responses from the election committee regarding the claims made by Towfiiq.
- The claims made by Towfiiq are not independently verified.
- The article does not provide details on the previous complaint Towfiiq made regarding the election results.
Reader takeaway
Towfiiq's exclusion from the Galmudug elections raises questions about electoral fairness and the political landscape in the region.
What remains unclear
- What specific legal grounds does Towfiiq believe justify their participation in the elections?
- How will the election committee respond to Towfiiq's claims?
- What actions will the President of Somalia take in response to Towfiiq's call for intervention?
Why it matters
The article does not provide enough independently verified detail to assess the specific significance of this event beyond what is reported.
Why this story appears
This is a single source report from Warkasta’s monitored network. The source link remains available so you can read the publisher’s original context.
- Source count
- 1
- Sources used
- Caasimada Online
- Language mix
- Soomaali
- Translation status
- Original text shown because no stored translation is available yet
- AI synthesis
- No AI synthesis is used for this story panel
Signals used: somalia · general · sheegay · reebay · shaakir
Keep reading
Live story thread
Open live story