13 Wadan oo Ka Qaybgalaya Koobka Adduunka oo Dhaliilay Hadalkii Madaxweynaha UEFA
MUQDISHO – Koox ka kooban 13 dal oo ka qaybgalaya Koobka Adduunka ee FIFA ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku cambaareeyeen hadal uu jeediyay Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Yurub (UEFA), Aleksander Čeferin, kaas oo ku tilmaamay tirada badan ee kulamada tartanka inay yihiin “wax aan xiiso lahayn”. Čeferin ayaa muddooyinkii dambe […]

Koox ka kooban 13 dal oo ka qaybgalaya Koobka Adduunka ayaa cambaareeyay hadal uu jeediyay Madaxweynaha UEFA, Aleksander Čeferin.
Maxaa la shaaciyey
- Madaxweynaha UEFA, Aleksander Čeferin, ayaa ku tilmaamay tirada badan ee kulamada tartanka inay yihiin 'wax aan xiiso lahayn'.
- Dalalka bayaanka soo saaray waxaa ka mid ah Cabo Verde, Curaçao, Uzbekistan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Haiti, Algeria, Tunisia, Morocco, Masar, Ghana, Senegal, Côte d’Ivoire iyo Koonfur Afrika.
- Bayaanka ayaa muujinaya in hadallada madaxda hay’adaha kubadda cagta caalamka ay keeni karaan muran iyo falcelin.
Macnaha guud
Xiisadda ayaa sii xoogeysatay kaddib markii UEFA ay garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan, u magacawday inuu dhex-dhexaadiyo tartanka UEFA Super Cup.
“'wax aan xiiso lahayn'”
Sababta ay muhiim u tahay: Somali akhristayaasha waxay xiiseynayaan arrimaha kubadda cagta caalamiga ah iyo sida ay u saameyn karto dalalkooda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
MUQDISHO – Koox ka kooban 13 dal oo ka qaybgalaya Koobka Adduunka ee FIFA ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku cambaareeyeen hadal uu jeediyay Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Yurub (UEFA), Aleksander Čeferin, kaas oo ku tilmaamay tirada badan ee kulamada tartanka inay yihiin “wax aan xiiso lahayn”.
Čeferin ayaa muddooyinkii dambe khilaafyo kala dhexeeyeen Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, gaar ahaan arrimaha la xiriira qaabka iyo ballaarinta tartamada caalamiga ah ee kubadda cagta.
Xiisadda labada dhinac ayaa sii xoogeysatay kaddib markii UEFA ay garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cabdulqaadir Cartan, u magacawday inuu dhex-dhexaadiyo tartanka UEFA Super Cup, wax yar kaddib markii loo diiday inuu galo Mareykanka si uu uga qeyb noqdo garsoorayaasha loo xushay in ay tartanka Koobka aduunka dhex-dhaxaadiyaan.
Dalalka bayaanka wadajirka ah soo saaray ayaa sheegay inay ka xun yihiin hadallada Madaxweynaha UEFA, iyagoo ku adkeystay in Koobka Adduunka uu yahay madal mideysa quruumaha isla markaana kor u qaadda horumarka kubadda cagta dunida oo dhan.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.