17 qof oo lagu dilay toogasho ka dhacday maqaaxi ku taalla Magaalada Johannesburg ee koonfur afrika
Warka oo kooban
50 ilbiriqsiUgu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay, 15 kalena way ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday maqaaxi (tavern) ku taalla gobolka Gauteng ee dalka Koonfur Afrika, sida ay sheegeen booliiska.
Qodobbada muhiimka ah
- Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka Wedela , oo ku yaalla koonfur-galbeed magaalada Johannesburg, ayadoo adeegyada gurmadka degdegga ah uu sheegay in dhammaan 17-ka qof lagu dhawaaqay inay ku dhinteen goobta, kaddib markii ay ciidamada gurmadku halkaas gaareen.
- Booliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay in sababta ka dambeysa toogashada aan weli la ogeyn , iyadoo baaritaanno lagu raadinayo xog ku saabsan ujeeddada weerarka iyo cidda ka dambeysay ay socdaan.
- Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale bilaabay baadi-goob ay ku raadinayaan siddeed qof oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin weerarka .
- Dhaawacyada 15-ka qof ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka, iyadoo aan weli la shaacin xaaladdooda caafimaad.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay, 15 kalena way ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday maqaaxi (tavern) ku taalla gobolka Gauteng ee dalka Koonfur Afrika, sida ay sheegeen booliiska.
Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka Wedela , oo ku yaalla koonfur-galbeed magaalada Johannesburg, ayadoo adeegyada gurmadka degdegga ah uu sheegay in dhammaan 17-ka qof lagu dhawaaqay inay ku dhinteen goobta, kaddib markii ay ciidamada gurmadku halkaas gaareen.
Booliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay in sababta ka dambeysa toogashada aan weli la ogeyn , iyadoo baaritaanno lagu raadinayo xog ku saabsan ujeeddada weerarka iyo cidda ka dambeysay ay socdaan.
Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale bilaabay baadi-goob ay ku raadinayaan siddeed qof oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin weerarka . Booliisku waxay sheegeen in tuhmanayaasha la sheegay inay ku hubeysnaayeen qoryaha AK-47 iyo bistoolado .
Dhaawacyada 15-ka qof ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka, iyadoo aan weli la shaacin xaaladdooda caafimaad.
Booliiska ayaa wada baaritaanno iyo howlgallo lagu doonayo in lagu soo qabto tuhmanayaasha, halka faahfaahin dheeraad ah laga sugayo hay’adaha ammaanka iyo baarayaasha.
Dhacdadan ayaa mar kale soo cusboonaysiisay walaaca laga qabo toogashooyinka ka dhaca goobaha dadweynaha ee Koonfur Afrika , gaar ahaan weerarrada lagu bartilmaameedsado goobaha lagu kulmo iyo madadaalada.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · diplomacy · diplomacy · afrika · dhacday
Sii akhri
- Cabdicasiis Lafta-gareen oo dacwo culus ka gudbiyay Xasan Sheekh iyo Jaamac
Caasimada Online
- Ardayda Soomaaliyeed oo u dhoofaya Japan iyagoo helay deeqo waxbarasho iyadoo safaaradda ay iftiimisay fursadaha waxbarasho
Shabelle Media
- Ciidamada Puntland ayaa dib u soo qabtay markab shidaal SIBU 1 oo la afduubtay ka dib howlgal 48-saac ah
Raxanreeb Online