Topic
Warkasta is tracking afrika across 14 reports from 4 sources. Recent coverage touches itoobiya, masar, and qaybgalay, each linked to its original source with side-by-side comparison where outlets differ.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU), Mahmoud Ali Youssouf, ayaa mar kale ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo qaado cunaqabataynta dhinac-kaliya ah ee saaran hay’adaha iyo shakhsiyaadka ka tirsan Jamhuuriyadda Zimbabwe. Guddoomiyaha ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan saameynta taban ee cunaqabatayntaasi ku yeelatay horumarka bulsho…
Magaalada Muqdisho waxaa la filayaa inuu goor dhow ka furmo Shirweynaha 3-aad ee Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Bulshada Bariga Afrika, EACCON 2026, kaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga, horumarinta iyo doorka ururrada bulshada rayidka ah ee dalalka ku mideysan Ururka Bulshada Bariga Afrika.
Rabshado ka dhan ah ajaanibta oo ka dhacay deegaannada Soweto iyo Durban ee dalka Koonfur Afrika ayaa sababay bililiqo, gubidda gaadiidka iyo burbur hantiyeed, iyadoo ganacsatada ajaanibta ah, oo ay Soomaalidu ka mid tahay, ay wajahaan walaac cusub oo la xiriira badbaadadooda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa magaalada Kampala kaga qaybgalay Shirka 1-aad ee Taliyeyaasha Difaaca Afrika ee Hawlgallada Milatari ee aan Dagaalka ahayn (MOOTW), kaas oo maanta la soo gabagabeeyay, kaddib saddex maalmood oo uu socday. Shirka waxaa ka qaybgalay taliyeyaasha ciidamada iyo saraakiil sare…

Taliyeyaasha Difaaca Afrika ee Hawlgallada Milatari ee aan Dagaalka ahayn (MOOTW), kaas oo maanta lasoo gabagabeeyay kaddib saddex maalmood oo uu socday. Shirka waxaa ka qaybgalay taliyeyaasha ciidamada iyo saraakiil sare oo ka kala socday dalal Afrikaan ah, Midowga Afrika iyo ururro goboleed. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka ciidamada Afrika ee hawlgallada…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan bilowday inay si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqa diyaaradaha ka imaanaya Afrika, gaar ahaan meelaha uu ka dilaacay cudurka Ebola, oo haatan soo gaaray qaar kamid ah waddamada dariska, gaar ahaan Kenya oo shalay laga helay kiiskii ugu horreeysay, sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka dalkaasi. Wasiirka caafimaadka…
Madaxda Afrika, hay’adaha qaaradda iyo hoggaamiyeyaasha ganacsiga ayaa ku baaqay in Afrika ay ka gudubto marxaladda qorsheyaasha iyo ballanqaadyada, isla markaana ay xoogga saarto fulinta mashaariic wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo dhaqaalaha qaaradda.

Sabti 3, October 2026 | HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo ay isugu yimaadeen madax, wasiirro, hoggaamiyeyaal, maalgashadeyaal iyo hay’adaha maaliyadeed ee qaaradda Afrika. Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay isbeddellada dhaqaale iyo siyaasadeed ee dunid

Arusha, Tanzania – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Guddoonnada Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC), Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa shir guddoomiyey kulanka 21-aad ee Guddoonnada Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika, kaas oo lagu qabtay magaalada Arusha ee dalka Tanzania. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xooj

Al-Calamayn, Masar – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, halkaas oo uu kaga qaybgalayo Madasha Al-Calamayn Afrika Forum. Madasha ayaa diiradda lagu saaraya xoojinta iskaashiga dhaqaale, dhiirrigelinta maalgashiga iyo dardargelinta horumarka qaaradda Afrik
Magaalada New Alamein ee dalka Masar waxaa ka socda kulamo heer sare ah oo ay isugu yimaadeen madax iyo mas’uuliyiin ka kala socda dalal badan oo Afrika ah, iyadoo shirarka looga hadlayo arrimo muhiim u ah mustaqbalka qaaradda, gaar ahaan horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga, ganacsiga iyo xoojinta iskaashiga dalalka Afrika.

Midowga Afrika ayaa ka digay xiisadda sii xoogeysanaysa ee u dhexeysa Itoobiya, Eritrea iyo Masar, xilli xiriirka saddexda dal uu marayo marxalad xasaasi ah, iyadoo dhinacyadu ay isku weydaarsanayaan eedeymo iyo hadallo kulul. Ururka Midowga Afrika ayaa dalalkan ugu baaqay inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta nabadda iyo xasilloonida…

Addis Ababa – Guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa Itoobiya, Eritrea iyo Masar. Guddiga ayaa ugu baaqay saddexda dal ee xubnaha ka ah Midowga Afrika inay muujiyaan is-xakameyn dheeraad ah, kana fogaadaan tallaabooyin ama hadallo sii hurin kara xiisadda, isla markaana wiiqi kara nabadda…
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika ayaa markii saddexaad muddo sagaal bilood ah u yeertay safiirka Mareykanka ee dalkaas, Leo Brent Bozell III, iyadoo dowladda Koonfur Afrika ay ku eedeysay inuu sameeyay waxa ay ku tilmaantay “dhaqan aan diblomaasiyadeed ahayn.”