Abraham Lemma – Ninka ku jiray dowladda Mareykanka ee u jaajuusi jiray Itoobiya
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiAbraham Teklu Lemma, oo hore qandaraasle ugu ahaa dowladda Mareykanka, ayaa qirtay inuu Itoobiya u basaasayey isaga oo xog sirdoon oo xasaasi ah u gudbinayey saraakiil sarsare oo dalkaas ka tirsan.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayHeshiis uu Midowga Afrika garwadeen ka ahaa, oo bishii Nofeembar 2022 lagu saxiixay magaalada Pretoria ee Koonfur Afrika, ayaa dagaalkaas hakiyey.
- Cidda ay saamaysayWasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegtay in maamulkaas loo xilsaaray soo celinta adeegyada, fududeynta dib ugu laabashada barakacayaasha guryahooda iyo diyaarinta doorashooyin.
- Abraham Teklu Lemma, oo 53 jir ah, kuna nool gobolka Maryland, ayaa qirtay inuu ka qeyb qaatay shirqool xogta difaaca qaranka Mareykanka loogu gudbinayey dowlad shisheeye.
- Heshiiska uu la galay xeer-ilaalinta ayaa dhigaya inuu qaato xabsi u dhexeeya 10 sano iyo 21 sano iyo 10 bilood, haddii ay maxkamaddu ansixiso.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay xogta gaarka ah ee Lemma u gudbiyay saraakiisha Itoobiya?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Abraham Teklu Lemma, oo 53 jir ah, oo hore qandaraasle ugu ahaa dowladda Mareykanka, ayaa qirtay inuu Itoobiya u basaasayey isaga oo xog sirdoon oo xasaasi ah u gudbinayey saraakiil sarsare oo dalkaas ka tirsan.
- Basaasnimadu waxay socotay sannadkii 2021 ilaa markii la xiray bishii Agoosto 2023.
- Haddii ay maxkamaddu ansixiso, Lemma wuxuu wajihi karaa xabsi u dhexeeya 10 sano iyo 21 sano iyo 10 bilood.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Washington (Caasimada Online) — Nin hore qandaraasle ugu ahaa dowladda Mareykanka ayaa qirtay inuu Itoobiya u basaasayey, isaga oo saraakiil sarsare oo dowladda dalkaas ka tirsan u gudbinayey xog sirdoon oo aad u xasaasi ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka.
Abraham Teklu Lemma, oo 53 jir ah, kuna nool gobolka Maryland, ayaa qirtay inuu ka qeyb qaatay shirqool xogta difaaca qaranka Mareykanka loogu gudbinayey dowlad shisheeye.
Heshiiska uu la galay xeer-ilaalinta ayaa dhigaya inuu qaato xabsi u dhexeeya 10 sano iyo 21 sano iyo 10 bilood, haddii ay maxkamaddu ansixiso. Waxaa lagu wadaa in xukunkiisa lagu dhawaaqo 14-ka Abriil 2027.
Lemma waa muwaadin Mareykan ah oo asal ahaan kasoo jeeda Itoobiya, jinsiyadda Mareykankana qaatay. Wuxuu qandaraasle dhanka teknoolojiyadda ahaan uga soo shaqeeyey wasaaradaha arrimaha dibadda iyo caddaaladda, iyo Hay’adda NRO ee maamusha dayax-gacmeedyada sirdoonka Mareykanka.
Shaqadiisa ayaa u saamaxaysay inuu galo nidaamyo ay ku kaydsan tahay xog sir ah. Wuxuu sidoo kale haystay oggolaansho amni oo heerka “Top Secret” ah, sida ay sheegeen dacwad-oogayaashu.
Basaasnimadu waxay socotay sannadkii 2021 ilaa markii la xiray bishii Agoosto 2023. Dadkii uu la shaqeynayey waxaa ku jiray saraakiil sare oo ka tirsan laamaha siyaasadda, milatariga iyo sirdoonka Itoobiya, sida ay wasaaraddu sheegtay.
Codsiga diyaaradaha drone-ka
Dacwad-oogayaashu waxay soo bandhigeen farriimo uu Lemma 18-kii Diseembar 2021 la wadaagay mid ka mid ah dadkii uu la shaqeynayey.
“Waa inaan dadkan si kama dambays ah u soo afjarnaa, haddii kale Itoobiya weligeed nabad kama jiri doonto,” ayuu ku qoray farriinta.
Isla maalintaas, markii uu gudbiyey xog kale, wuxuu raaciyey codsi ahaa: “Fadlan dira diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.”
Kaaliyaha xeer-ilaaliyaha guud ee arrimaha amniga qaranka, John A. Eisenberg, ayaa sheegay in Lemma uu xogta gudbinayey isagoo rajeynaya in saraakiisha Itoobiya ay u adeegsadaan beegsiga iyo dilka dagaalyahanno ka tirsan kooxo hubeysan.
“Sida uu isaga qudhiisu qirtay, Lemma wuxuu saraakiisha Itoobiya siiyey xog sir ah oo la xiriirta difaaca qaranka, taas oo ay markaas u adeegsadeen hawlgallo milatari intii uu dagaalku socday,” ayuu yiri Roman Rozhavsky, oo hoggaamiya qeybta la dagaallanka sirdoonka shisheeye iyo basaasnimada ee FBI-da.
Sida uu xogta ula baxay
Waxyaabihii uu gudbiyey waxaa ka mid ahaa tobannaan dokumenti, qoraallo iyo sawirro sir ah. Qaar ka mid ah waxay lahaayeen calaamadda “Top Secret/Sensitive Compartmented Information”, sida ay wasaaraddu sheegtay.
Wasaaraddu waxay sheegtay in faafinta xogta heerka “Top Secret” ay dhaawac aad u daran u geysan karto amniga qaranka Mareykanka.
Lemma ayaa xogta qaarkeed gacanta ku qori jiray, kaddibna qoraalladaas kala bixi jiray xarumaha dowladda ee ammaankooda si adag loo ilaaliyo.
Wuxuu sidoo kale adeegsaday awooddiisa maamul ee nidaamyada kombiyuutarrada si uu u helo faylal sir ah, dabadeedna uga saaro xarumihii uu ka shaqeynayey.
Markii xariggiisa la shaaciyey bishii Sebtembar 2023, mas’uuliyiinta Mareykanku waxay sheegeen inuu barnaamij farriimihiisa la sirgaliyo u adeegsan jiray gudbinta xogta, isaga oo la xiriirayey sarkaal ku xiran sirdoon shisheeye.
Xogtaas waxaa ku jiray sawirro dayax-gacmeed iyo faahfaahin ku saabsan dhaqdhaqaaqyo milatari.
Baarayaashu waxay xilligaas sidoo kale ku eedeeyeen inuu warbixinnada sirdoonka ka tirtiri jiray calaamadaha muujinaya heerka sirtooda, ka hor inta uusan xogta kala bixin xarumaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Dagaalka gobolka Tigray
Inta badan xogta uu Lemma gudbiyey waxay la xiriirtay colaad ka dhacaysay Itoobiya. Hase yeeshee, bayaanka Talaadadii laguma magacaabin kooxihii hubeysnaa ee la beegsaday ama saraakiishii Itoobiya ee xogta helay.
Basaasnimadu waxay billaabatay xilligii uu socday dagaalkii 2020–2022 ee u dhexeeyey ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee TPLF.
Heshiis uu Midowga Afrika garwadeen ka ahaa, oo bishii Nofeembar 2022 lagu saxiixay magaalada Pretoria ee Koonfur Afrika, ayaa dagaalkaas hakiyey.
Hase yeeshee, dagaal ayaa dib u qarxay bishii Sebtembar ee sannadkan 2026. Ciidamada dowladda iyo xoogagga xulafada la ah ayaa kaddib la wareegay qaybo badan oo Tigray ah, oo ay ku jirto caasimadda gobolka ee Mekelle.
Dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa 16-kii Oktoobar gobolka u dhistay maamul ku-meel-gaar ah oo shaqeynaya lix bilood, kadib markii ay mar kale dib u qabsatay gobolka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegtay in maamulkaas loo xilsaaray soo celinta adeegyada, fududeynta dib ugu laabashada barakacayaasha guryahooda iyo diyaarinta doorashooyin.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Abraham Teklu Lemma, oo hore qandaraasle ugu ahaa dowladda Mareykanka, ayaa qirtay inuu Itoobiya u basaasayey isaga oo xog sirdoon oo xasaasi ah u gudbinayey saraakiil sarsare oo dalkaas ka tirsan. Basaasnimadiisa ayaa la sheegay in ay socotay sannadkii 2021 ilaa markii la xiray bishii Agoosto 2023.
Qodobada muhiimka ah
- Abraham Teklu Lemma, oo 53 jir ah, oo hore qandaraasle ugu ahaa dowladda Mareykanka, ayaa qirtay inuu Itoobiya u basaasayey isaga oo xog sirdoon oo xasaasi ah u gudbinayey saraakiil sarsare oo dalkaas ka tirsan.
- Basaasnimadu waxay socotay sannadkii 2021 ilaa markii la xiray bishii Agoosto 2023.
- Haddii ay maxkamaddu ansixiso, Lemma wuxuu wajihi karaa xabsi u dhexeeya 10 sano iyo 21 sano iyo 10 bilood.
- Waxaa lagu wadaa in xukunkiisa lagu dhawaaqo 14-ka Abriil 2027.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaannada Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo la bixiyay.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Lemma ama wakiiladiisa sharciga.
Gunaanadka akhristaha
Kiiska Abraham Lemma wuxuu muujinayaa walaacyo culus oo ku saabsan amniga qaranka iyo hawlgallada basaasnimada ee la xiriira sirdoonka Mareykanka.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay xogta gaarka ah ee Lemma u gudbiyay saraakiisha Itoobiya?
- Sidee Lemma u helay xogta xasaasiga ah?
- Maxay noqon doontaa saameynta kiiskan ee xiriirka Mareykanka iyo Itoobiya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · mareykanka · lemma · abraham