Arrin cabsi leh oo kasoo korortay Koonfur Galbeed kadib dagaalkii Baydhaba
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiMaqaalku wuxuu sheegayaa dagaalladii culus ee ka dhacay Baydhaba, taasoo keentay khasaare weyn iyo cabsi ka dhex jirta dadka deegaanka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinSidoo kale, wuxuu ku baaqay in deganaan la muujiyo, isla arkaana wada-hadal iyo midnimo lagu wajaho xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee ka taagan Maamulka Koonfur Galbeed.
- Dagaalladan ayaa dhaliyay khasaare lixaadleh oo isugu jiro dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka, waxaana weli taagan cabsi horleh oo ku aadan in mar kale ay dagaalamaan labada dhinac oo weli isku horfadhiya bannaanka magaalada.
- Xidhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle Tv ayaa shaaca ka qaaday haddii aan wax laga qaban xaaladda taagan ay dagaallada kusii fidi karaan dhammaan deegaannada kale ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
- “Hadda sow Baydhaba kama socda dagaalka, iyadoo tuulooyinka iyo degmooyinka uu ku fiday ayaad arkeysaa, yaa gurigiisa AK47 oolin?
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadayo si loo xalliyo rabshadaha socda?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dagaallo culus ayaa ka dhacay Baydhaba, taasoo keentay khasaare weyn, burbur, iyo barakac dadka deegaanka.
- Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa ayaa ka digay in haddii aan wax laga qaban xaaladda taagan ay dagaallada kusii fidi karaan dhammaan deegaannada kale ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
- Xaalad bandow ah lagu soo rogay Baydhaba, kaas oo xaddidaya dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka wixii ka dambeeya salaadda Maqrib.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Baydhaba (Caasimada Online) – Xaalad cabsi iyo walaac xooggan ayaa ka dhalatay dagaalladii cuslaa ee maalmahan kusoo noqnoqday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen.
Dagaalladan ayaa dhaliyay khasaare lixaadleh oo isugu jiro dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka, waxaana weli taagan cabsi horleh oo ku aadan in mar kale ay dagaalamaan labada dhinac oo weli isku horfadhiya bannaanka magaalada.
Xidhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle Tv ayaa shaaca ka qaaday haddii aan wax laga qaban xaaladda taagan ay dagaallada kusii fidi karaan dhammaan deegaannada kale ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
“Hadda sow Baydhaba kama socda dagaalka, iyadoo tuulooyinka iyo degmooyinka uu ku fiday ayaad arkeysaa, yaa gurigiisa AK47 oolin? sidii shalay maanta ma aha,” ayuu yiri Dalxa.
Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in deganaan la muujiyo, isla arkaana wada-hadal iyo midnimo lagu wajaho xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee ka taagan Maamulka Koonfur Galbeed.
“Waxaan leeyahay baahashaan walaalow ayay ku fiican tahay Koonfur Galbeed oo la wada leeyahana ay ku suntanaato laakin dhabar iska taabashadan ma soconeyso,” ayuu sii raaciyay Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo kasoo jeedo deegaannada Koonfur Galbeed.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo haatan xaalad bandow ah lagu soo rogay Baydhaba, kaas oo xaddidaya dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka wixii ka dambeeya salaadda Maqrib.
Go’aankan ayaa qayb ka ah tallaabooyin lagu xoojinayo amniga magaalada, iyadoo Baydhabo ay weli ka jirto xaalad amni oo u baahan feejignaan dheeraad ah iyo in si dhow loola socdo dhaqdhaqaaqyada ka dhacaya gudaha magaalada.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maqaalku wuxuu sheegayaa dagaalladii culus ee ka dhacay Baydhaba, taasoo keentay khasaare weyn iyo cabsi ka dhex jirta dadka deegaanka.
Qodobada muhiimka ah
- Dagaallo culus ayaa ka dhacay Baydhaba, taasoo keentay khasaare weyn, burbur, iyo barakac dadka deegaanka.
- Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa ayaa ka digay in haddii aan wax laga qaban xaaladda taagan ay dagaallada kusii fidi karaan dhammaan deegaannada kale ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
- Xaalad bandow ah lagu soo rogay Baydhaba, kaas oo xaddidaya dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka wixii ka dambeeya salaadda Maqrib.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan tirada khasaare ama baaxadda burburka.
- Eedeymaha ku saabsan faafidda dagaalka iyo bandowga ayaa ku saleysan hadallo ka yimid xildhibaan hore.
- Lama hayo jawaab ka timid dowladda ama ciidanka ku saabsan xaaladda.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda Baydhaba waa mid kacsan, iyadoo rabshado socda iyo bandow la saaray si loo maareeyo walaacyada amniga.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadayo si loo xalliyo rabshadaha socda?
- Sidee dadka deegaanka u la qabsanayaan bandowga iyo tallaabooyinka amniga?
- Maxay noqon doonaan cawaaqibka ka dhalan kara haddii dagaalku faafiyo?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · baydhaba · cabsi · arrin