Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Qaabilay Wafdi uu Hoggaaminayay Guddoomiyihii Hore ee Golaha Shacabka
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiHoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Aqalka Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-tashiga, is-fahamka iyo iskaashiga siyaasadeed, iyadoo si gaar ah looga hadlay xaaladda guud ee Koonfur Galbeed, arrimaha siyaasadda, amniga, dowlad-dhiska iyo sidii loo sii xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka bulshada.
- Socdaalka wafdiga uu hoggaaminayay Maxamed Mursal ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ka-qaybgalka siyaasiyiinta ee gogosha dib-u-heshiisiinta ee dhawaan ka furmi doonta magaalada Baydhabo.
- Dhinacyada ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-hadalka iyo wada-tashiga siyaasadeed, si loo abuuro jawi horseeda xasillooni siyaasadeed, nabad waarta iyo horumar loo dhan yahay.
- Intii uu socday kulanka, dhinacyadu waxay is-dhaafsadeen aragtiyo iyo talooyin ku saabsan xaaladda dalka iyo tan Dowladda Koonfur Galbeed, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka iyo kala aragti duwanaanshaha lagu wajaho wada-hadal, is-qaddarin iyo xalal siyaasadeed oo la isku raacsan yahay.
Sida ay sheegtay Shabelle Media
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka gaarka ah ee laga filayo gogosha dib-u-heshiisiinta?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-tashiga, is-fahamka iyo iskaashiga siyaasadeed, iyadoo si gaar ah looga hadlay xaaladda guud ee Koonfur Galbeed.
- Socdaalka wafdiga uu hoggaaminayay Maxamed Mursal ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ka-qaybgalka siyaasiyiinta ee gogosha dib-u-heshiisiinta ee dhawaan ka furmi doonta magaalada Baydhabo.
- Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale soo dhaweeyay kaalinta ay madaxda Soomaaliyeed, siyaasiyiinta, waxgaradka, culimada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ka qaadanayaan xoojinta wada-tashiga, nabadda, dowlad-dhiska iyo midnimada shacabka
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Aqalka Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-tashiga, is-fahamka iyo iskaashiga siyaasadeed, iyadoo si gaar ah looga hadlay xaaladda guud ee Koonfur Galbeed, arrimaha siyaasadda, amniga, dowlad-dhiska iyo sidii loo sii xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka bulshada.
Socdaalka wafdiga uu hoggaaminayay Maxamed Mursal ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ka-qaybgalka siyaasiyiinta ee gogosha dib-u-heshiisiinta ee dhawaan ka furmi doonta magaalada Baydhabo.
Dhinacyada ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-hadalka iyo wada-tashiga siyaasadeed, si loo abuuro jawi horseeda xasillooni siyaasadeed, nabad waarta iyo horumar loo dhan yahay.
Intii uu socday kulanka, dhinacyadu waxay is-dhaafsadeen aragtiyo iyo talooyin ku saabsan xaaladda dalka iyo tan Dowladda Koonfur Galbeed, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka iyo kala aragti duwanaanshaha lagu wajaho wada-hadal, is-qaddarin iyo xalal siyaasadeed oo la isku raacsan yahay.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa wafdiga uu hoggaaminayay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uga mahadceliyay booqashadooda magaalada Baydhabo iyo ka-qaybgalka gogosha dib-u-heshiisiinta.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale soo dhaweeyay kaalinta ay madaxda Soomaaliyeed, siyaasiyiinta, waxgaradka, culimada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ka qaadanayaan xoojinta wada-tashiga, nabadda, dowlad-dhiska iyo midnimada shacabka Koonfur Galbeed. Waxa uu tilmaamay in wada-shaqeynta iyo is-dhaafsiga aragtiyaha ay muhiim u yihiin horumarinta dowladnimada iyo xasilloonida deegaanka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Aqalka Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-tashiga, is-fahamka iyo iskaashiga siyaasadeed.
Qodobada muhiimka ah
- Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Aqalka Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-tashiga, is-fahamka iyo iskaashiga siyaasadeed, iyadoo si gaar ah looga hadlay xaaladda guud ee Koonfur Galbeed.
- Socdaalka wafdiga uu hoggaaminayay Maxamed Mursal ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ka-qaybgalka siyaasiyiinta ee gogosha dib-u-heshiisiinta ee dhawaan ka furmi doonta magaalada Baydhabo.
- Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale soo dhaweeyay kaalinta ay madaxda Soomaaliyeed, siyaasiyiinta, waxgaradka, culimada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ka qaadanayaan xoojinta wada-tashiga, nabadda, dowlad-dhiska iyo midnimada shacabka
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada aan ka qaybgalin kulanka.
- Eedeymaha ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo iskaashiga waxay ku saleysan yihiin hadallada lagu sheegay kulanka.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha maqaalka laguma bixin.
Gunaanadka akhristaha
Kulanka wuxuu muujinayaa dadaallada socda ee lagu xoojinayo iskaashiga siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka gaarka ah ee laga filayo gogosha dib-u-heshiisiinta?
- Sidee loo hirgelin doonaa iskaashiga lagu gorfeeyay kulanka?
- Waa maxay caqabadaha hadda jira ee Koonfur Galbeed ee aan lagu xusin kulanka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · koonfur · galbeed · golaha
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyey kulanka Guddoonka Baarlamaannada EAC
Goobjoog Somali
- Safiirka Soomaaliya ee Tanzania oo Arusha ku Soo Dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka
Shabelle Media
- Xogta kulan xasaasi ah oo caawa yeelanayaan Aadan Madoobe iyo ergo dhex-dhexaadin ah
Caasimada Online