Baarayaasha QM oo kashifay sirta Imaaraadka Carabta ee Boosaaso iyo waxa ka socda
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiWarbixin ka timid Qaramada Midoobay ayaa muujinaysa in shirkad amni oo Imaaraati ah ay Kolombiyaan calooshood u shaqaystayaal u dirtay Soomaaliya iyo Liibiya si ay uga barbar dagaallamaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) ee Suudaan.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayHay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga iyo Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa Jimcihii sheegay in qiyaastii 15.4 milyan oo qof oo Suudaan ku sugan ay u baahan yihiin hoy degdeg ah iyo agabka aasaasiga ah ee qoysaska.
- Baarayaashu waxay sheegeen in shirkadda Global Security Services Group, oo xarunteedu tahay Abu Dhabi, ay qoratay dagaalyahannada.
- Shirkaddu waxay sheegtay inay sugto amniga safaaradaha iyo xarumaha kale ee diblomaasiyadeed ee Imaaraadka, iyadoo hawshaas u qabata wasaaradaha arrimaha dibadda iyo arrimaha madaxtooyada.
- Imaaraadka ayaa beeniyey inuu taageero dhinac ka mid ah kuwa dagaallamaya.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu iftiiminayaa suurtagalnimada ka qaybgalka shisheeye ee dagaalka Suudaan wuxuuna kor u qaadaya su'aalo ku saabsan isticmaalka calooshood u shaqaystayaasha ee khilaafaadka gobolka.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin cadeymaha taageeraya eedeymaha ku jira warbixinta Qaramada Midoobay?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Warbixin ka timid Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in shirkad amni oo Imaaraati ah ay Kolombiyaan calooshood u shaqaystayaal u dirtay Soomaaliya iyo Liibiya si ay uga barbar dagaallamaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) ee Suudaan.
- Shirkadda Imaaraatiga ah ee Global Security Services Group ayaa lagu soo waramayaa inay qoratay dagaalyahannada ujeedadan.
- Warbixintu waxay muujinaysaa in dowladda Imaaraadka ay beenisay in calooshood u shaqaystayaal loo diray Suudaan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Boosaaso (Caasimada Online) – Warbixin qarsoodi ah oo ay Qaramada Midoobay diyaarisay ayaa sheegtay in shirkad amni oo Imaaraati ah ay Soomaaliya iyo Liibiya sii marisay calooshood u shaqaystayaal u dhashay Kolombiya si ay uga barbar dagaallamaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) ee Suudaan.
Baarayaashu waxay sheegeen in shirkadda Global Security Services Group, oo xarunteedu tahay Abu Dhabi, ay qoratay dagaalyahannada. Waxay warbixinta u gudbiyeen Golaha Ammaanka 30-kii Oktoobar, waxaana helay wargeyska The New York Times .
Shirkaddu waxay sheegtay inay sugto amniga safaaradaha iyo xarumaha kale ee diblomaasiyadeed ee Imaaraadka, iyadoo hawshaas u qabata wasaaradaha arrimaha dibadda iyo arrimaha madaxtooyada.
Imaaraadka ayaa beeniyey inuu taageero dhinac ka mid ah kuwa dagaallamaya. Sida uu qoray The New York Times, xukuumadda Abu Dhabi ayaa Qaramada Midoobay u sheegtay in shirkaddu aysan calooshood u shaqaystayaal u dirin Suudaan.
Warbixinta ayaa soo baxday iyadoo Lana Nusseibeh, oo Imaaraadku u sharraxay xilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ay wajahayso su’aalo ku saabsan sidii ay Imaaraadka uga difaacday eedaha la xiriira dagaalka Suudaan.
Marinka Boosaaso
Guddi kale oo ay Qaramada Midoobay u xilsaartay xaqiiqo-raadinta dagaalka Suudaan ayaa magaalada Boosaaso ee Puntland ku tilmaamay marin ay sii maraan dagaalyahannada ajaanibta ah ee loo diro Suudaan.
Shabakadda gudbisa dagaalyahannada ayaa sidoo kale hub, tiknoolajiyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo shaqaale geysay deegaanno ay RSF maamusho, oo ay ka mid tahay magaalada Nyala ee Daarfuur. Guddoomiyaha guddiga xaqiiqo-raadinta, Mohamed Chande Othman, ayaa 28-kii Oktoobar sidaas u sheegay guddi ka tirsan Qaramada Midoobay .
Nin u dhashay Kolombiya oo qandaraas ku shaqaynayey ayaa Human Rights Watch u sheegay inuu bishii Maarso 2025 ku dhowaad 10 maalmood joogay Boosaaso, isaga oo la socday koox ku dhow 40 qof. Wuxuu sheegay inuu markii dambe Suudaan u sii maray Imaaraadka iyo Jaad.
Hay’addu waxay xaqiijisay in laba muuqaal oo ninkaasi duubay laga qaaday goob ku dheggan xarun ay Ciidanka Booliska Badda Puntland ku leeyihiin agagaarka garoonka diyaaradaha, sida ku cad warbixinta Human Rights Watch .
Ilo xog-ogaal u ah qabanqaabada ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu ogaa oo uu oggolaaday in Imaaraadku Boosaaso u adeegsado gudbinta sahay loo waday RSF, sida ay bishii Sebtembar werisay Somalia Today .
Si kastaba, dowladda Puntland ayaa bishii Nofeembar 2025 beenisay in garoonka Boosaaso uu saldhig u ahaa duulimaadyo lala xiriiriyey dagaalka Suudaan.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bishii Sebtembar u sheegtay Reuters inaysan labada dhinac midkoodna u oggolaan in dhulka Soomaaliya loo isticmaalo hawlo militari. Waxay qiratay in xog-wadaagga dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada uusan dhammaystirnayn.
Qabsashadii Al-Faashir
Guddiga xaqiiqo-raadinta ayaa sheegay in dagaalyahannada reer Kolombiya ee loo yaqaan Desert Wolves ay hawlgeliyeen diyaarado aan duuliye lahayn oo ay tababareen xubno ka tirsan RSF.
Othman ayaa sheegay inay “door lama huraan ah” ka qaateen qabsashadii Al-Faashir bishii Oktoobar 2025. Waxay ahayd magaaladii weynayd ee ugu dambaysay ee ciidanka Suudaan uu weli ka haystay Daarfuur.
Baarayaashu waxay diiwaangeliyeen dilal wadareed iyo beegsiga bulshooyin aan Carab ahayn intii uu weerarku socday iyo kaddib. Waxay sheegeen in tacaddiyadaasi ay lahaayeen “astaamaha xasuuqa” .
“Waa in la baaro cid kasta oo mas’uuliyad ku leh dambiyada caalamiga ah, oo ay ku jiraan kuwa amra, maalgeliya, sahayda bixiya ama si kale u fududeeya,” ayay tiri Joy Ngozi Ezeilo, oo ka tirsan guddiga.
Guddiga ayaa Golaha Ammaanka ka dalbaday in cunaqabataynta hubka ee Daarfuur lagu fidiyo Suudaan oo dhan. Diidmo ka timid Baxrayn ayaa hor istaagtay in la daabaco warbixintii bishii Luulyo ee khubarada la socda fulinta cunaqabataynta, sida uu qoray The New York Times. Imaaraadka ayaa beeniyey inuu isku dayay inuu saameyn ku yeesho xubin ka tirsan golaha.
Dagaalka u dhexeeya ciidanka Suudaan iyo RSF ayaa billowday bishii Abriil 2023. Ciidanka ayaa haya caasimadda Khartuum, halka RSF ay maamusho inta badan Daarfuur. Dagaalku weli wuu ka socdaa Kordofaan oo deris la ah Daarfuur.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga iyo Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa Jimcihii sheegay in qiyaastii 15.4 milyan oo qof oo Suudaan ku sugan ay u baahan yihiin hoy degdeg ah iyo agabka aasaasiga ah ee qoysaska. Dhaqaale yari awgeed, hay’adaha gargaarku waxay mudnaanta siin karaan qiyaastii tobankii qof ee baahanba hal qof oo keliya.
Tartanka xilka xoghayaha guud
Nusseibeh, oo hore u ahayd safiirka Imaaraadka ee Qaramada Midoobay, ayaa kulan uu Golaha Guud yeeshay 27-kii Oktoobar ka sheegtay inay fasax ka qaadatay xilkeeda wasiirnimo.
Markii wax laga weydiiyey doorkeedii ku aaddanaa Suudaan, waxay sheegtay in su’aalaha ku saabsan doorka Imaaraadka loo jeediyo dowladdeeda. Waxay sidoo kale ballanqaadday inay taageeri doonto guddiyada xaqiiqo-raadinta ee Qaramada Midoobay.
“Joojinta dagaalkaas ayaa noqon doonta imtixaanka lagu cabbiro guusha,” ayay tiri.
Human Rights Watch ayaa shaki ka muujisay inay Nusseibeh difaaci doonto madaxbannaanida baaritaannada Qaramada Midoobay .
Bruno Stagno Ugarte, oo ah madaxa u doodista ee hay’adda, ayaa sheegay in sida ay Nusseibeh u diidday natiijooyinkii Qaramada Midoobay ee ku saabsanaa xiriirka Imaaraadka iyo RSF ay “si weyn u wiiqday dadaallada caddaalad loogu raadinayo dhibbanayaasha, lagulana xisaabtamayo kuwii tacaddiyada geystay”.
Nusseibeh ayaa mar kale kaalinta afraad ka gashay codbixin aan rasmi ahayn oo Golaha Ammaanku yeeshay Khamiistii. Waxay heshay toddobo cod oo taageero ah iyo lix cod oo diidmo ah. Rebeca Grynspan, oo hore u ahayd madaxweyne ku-xigeenka Costa Rica, ayaa hoggaanka sii haysatay, sida ay werisay Reuters .
Golaha Ammaanka weli ma soo jeedin qofka beddelaya António Guterres, oo muddada xilkiisu ku eg tahay 31-ka Diseembar.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Warbixin ka timid Qaramada Midoobay ayaa muujinaysa in shirkad amni oo Imaaraati ah ay Kolombiyaan calooshood u shaqaystayaal u dirtay Soomaaliya iyo Liibiya si ay uga barbar dagaallamaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) ee Suudaan. Warbixintu sidoo kale waxay muujinaysaa in dowladda Imaaraadka ay beenisay in ay ku lug leedahay dirista calooshood u shaqaystayaal Suudaan.
Qodobada muhiimka ah
- Warbixin ka timid Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in shirkad amni oo Imaaraati ah ay Kolombiyaan calooshood u shaqaystayaal u dirtay Soomaaliya iyo Liibiya si ay uga barbar dagaallamaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) ee Suudaan.
- Shirkadda Imaaraatiga ah ee Global Security Services Group ayaa lagu soo waramayaa inay qoratay dagaalyahannada ujeedadan.
- Warbixintu waxay muujinaysaa in dowladda Imaaraadka ay beenisay in calooshood u shaqaystayaal loo diray Suudaan.
- Dowladda Puntland ayaa bishii Nofeembar 2025 beenisay in garoonka Boosaaso uu saldhig u ahaa duulimaadyo lala xiriiriyey dagaalka Suudaan.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay warbixin ka timid Qaramada Midoobay iyo bayaanno ka yimid dhinacyo kala duwan.
- Eedeymaha ay soo jeediyeen dowladda Imaaraadka iyo dowladda Puntland lama xaqiijin madax-bannaan.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid dowladda Kolombiya ama RSF.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda Soomaaliya iyo xiriirkeeda la leh dagaalka Suudaan waa mid adag oo ay ku lug leeyihiin dhowr dhinac oo caalami ah.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin cadeymaha taageeraya eedeymaha ku jira warbixinta Qaramada Midoobay?
- Immisa calooshood u shaqaystayaal ah ayaa la diray, maxayse yihiin xaaladahooda hadda?
- Maxay Qaramada Midoobay ka qaadi doontaa tallaabooyin ku saabsan natiijooyinkan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu iftiiminayaa suurtagalnimada ka qaybgalka shisheeye ee dagaalka Suudaan wuxuuna kor u qaadaya su'aalo ku saabsan isticmaalka calooshood u shaqaystayaasha ee khilaafaadka gobolka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · security · security · boosaaso · baarayaasha
Sii akhri
- Dowladda Soomaaliya oo soo saartay digniin ah in Itoobiya…
Caasimada Online
- Taliyaha ku-xigeenka booliska Soomaaliya oo ka digay banaan amni kadib markii Uganda ciidamadeeda ka baxday
Hiiraan Online
- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo booqday saldhigga Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha ee Barawe
Shabelle Media