Topic
Warkasta is tracking Suudaan across 15 reports from 7 sources. Recent coverage touches Itoobiya, Soomaaliya, and Qaramada Midoobay, each linked to its original source with side-by-side comparison where outlets differ.
Ghana oo afar jeer ku guuleysatay ayaa heshay dhibcohoodii ugu horreeyay ee tartanka Qaaradda Afrika Khamiistii, inkastoo ay ku adkaatay inay garaacdo Soomaaliya oo darajo hooseysa leh 2-0 magaalada Sekondi si ay ugu biirto horyaaladii hore ee guulaysatay.

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ku dartay dalalka ay muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan sababo la xiriira xaaladda ammaan, iyadoo dalka gelisay heerka afaraad ee digniinaha safarka. Heerkan ayaa ah kan ugu sarreeya ee digniinta. Tan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay ka mid noqotay dalalka uu Mareykanku si buuxda uga…

Warbixin qarsoodi ah oo ay Qaramada Midoobay diyaarisay ayaa sheegtay in shirkad amni oo Imaaraati ah ay Soomaaliya iyo Liibiya sii marisay calooshood u shaqaystayaal u dhashay Kolombiya si ay uga barbar dagaallamaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) ee Suudaan. Baarayaashu waxay sheegeen in shirkadda Global Security Services Group, oo xarunteedu…

Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa dalalka deriska ah ee Suudaan iyo Itoobiya ayaa cirka isku shareertay kadib markii labada dhinac ay qaadeen tallaabooyin is-daba-joog ah oo muujinaya inuu sii xumaanayo xiriirkooda, iyadoo khilaafka siyaasadeed uu isu beddelayo loollan diblomaasiyadeed. Khartuum ayaa tallaabo adag ka qaadday dhinaca Itoobiya, iyadoo dalka ka…

Itoobiya ayaa amartay in lix diblomaasi oo u dhashay Suudaan ay dalka ka baxaan, halka Suudaan ay ku jawaabtay amar la mid ah oo ay siisay shaqaalaha qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Gadarif. Sarkaal sare oo Itoobiyaan ah ayaa Arbacadii u sheegay Reuters in lixda qof, oo ka shaqeynayay qunsuliyadda Suudaan…

Dowlada Suudaan ayaa Itoobiya ku eedeysay inay ciidanka RSF u oggolaatay inay dhulkeeda ka soo qaadaan weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah, halka Addis Ababa ay hore u beenisay inay taageerto kooxdaas. Khartuum ayaa sheegtay inay cabashooyin ka gudbisay Itoobiya, kuwaas oo ay u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Golaha…

Taliyaha ciidanka Suudaan, Jeneraal Yaasir al-Atta, ayaa sheegay in calooshood u shaqeystayaal ka yimid waqooyiga Soomaaliya ay ka mid yihiin dagaalyahannada ajaanibta ah ee la safan Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee RSF, kuwaas oo dagaal kula jira ciidamada dowladda. Al-Atta, oo ah madaxa arkaanka ciidamada Suudaan, ayaa hadalkan ka jeediyey khudbad…

Kenya. Mombasa – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Soomaaliya ku matalay fadhiga heerka sare ee wasiirrada Madasha 2-aad ee Bariga Afrika ee Tallaabooyinka Ka-hortagga Saameynta Musiibooyinka (EADP2), kaas oo 30-kii Oktoobar 2026 lagu qabtay magaalada Mombasa ee dalka Kenya. Fadhiga waxaa ka qaybgal

Dagaalkii socday tan iyo bartamihii bishii Febraayo ayaa keenay in la qabto “hub laga yaabo in loo gudbin lahaa ciidamada Tigrayga,” kaas oo la soo marsiinayay dhanka dekedda Massawa, sida uu sheegay Field Marshal Birhanu Jula oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Itoobiya. Field Marshal Birhanu ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan…

Yohanna Akol Ngor, wasiirka warfaafinta ee gobolka Abyei ee lagu muransan yahay ee xuduudda u dhaxaysa Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, ayaa sheegay in ugu yaraan 73 qof ay dhinteen Isniintii markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay bartilmaameedsadeen suuq ku yaal aagga, wuxuuna ku eedeeyay ciidamada Suudaan inay qaadeen weerarka.

In ka badan 160 qof ayaa la soo sheegay in lagu dilay weerarro isdaba-joog ah oo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka geysteen qaybo kala duwan oo ka tirsan dalka Suudaan maalmihii la soo dhaafay, iyadoo warar kale ay sheegayaan in dadka ku dhintay weerarrada qaarkood ay ku jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed.

Mid kamid ah weerarkii ugu dhimashada badnaa ayaa maanta ka dhacay Suudaan, waxayna xogaha hordhaca ah ay sheegayaan in dadka ku dhintey ay ganacsato Soomaali ah ku jirto. Magalada Al-Dibab ee gobolka Kordofaan ee Koonfurta Suudaan waxaa maanta ka dhacay weerar loo adeegsad diyaarad aan duuliye lahayn oo ay ku…

Saddex qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen duqaymo ka dhacay deegaanka Abyay ee ku yaalla xadka u dhexeeya Sudan iyo South Sudan, halkaas oo uu ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Sudan iyo xoogagga RSF. Duqaymaha ayaa lagu beegsaday suuqa weyn ee magaalada Abyay, oo ah…

Ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhintay duqayn loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drone) oo ka dhacday meel u dhow suuq ku yaalla magaalada Al-Dibab ee gobolka Kordofaan Galbeed…

Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay inuu dalka u horseedayo xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo la mid ah tan ka taagan dalka Suudaan, halkaas oo ay ku loollamayaan laba hoggaamiye oo kala wata ciidamo iyo maamulo…