Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Baarlamaanka Soomaaliya oo Liibiya Kala Hadlay Xaaladda Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Ku Xiran Xabsiyada Dalkaas

BENGHAZI, LIIBIYA – Wafdi ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika ee ka socda magaalada Benghazi, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya, ahna Guddoomiyaha Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika, Caqiila Saalax Ciise. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda [&#

SO
Baarlamaanka Soomaaliya oo Liibiya Kala Hadlay Xaaladda Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Ku Xiran Xabsiyada Dalkaas
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media

Wafdi ka socda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya si ay uga wada hadlaan xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada Liibiya.

Maxaa la shaaciyey

  1. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada Liibiya iyo duruufaha adag ee ay wajahayaan.
  2. Wafdiga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Liibiya.
  3. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya ayaa ballan qaaday in la dhisi doono guddi baarlamaani ah oo la socon doona xaaladda dhallinyarada.

Waxaan dhisi doonaa guddi baarlamaani ah oo si gaar ah ula socon doona xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada.

Caqiila Saalax Ciise, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya
Benghazi, Liibiya
2026-06-17

Sababta ay muhiim u tahay: Arrintani waxay muhiim u tahay akhristayaasha Soomaaliyeed maadaama ay muujinayso walaaca ku saabsan xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Liibiya.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

BENGHAZI, LIIBIYA – Wafdi ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika ee ka socda magaalada Benghazi, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya, ahna Guddoomiyaha Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika, Caqiila Saalax Ciise.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada Liibiya iyo xarumo sharci darro ah oo lagu hayo, kuwaas oo la sheegay inay wajahayaan duruufo adag iyo tacaddiyo bani’aadannimo.

Wafdiga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Liibiya, iyagoo adkeeyay baahida loo qabo in loo helo daryeel degdeg ah, xal waara iyo in dib loogu soo celiyo dalkooda.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya, Caqiila Saalax Ciise, ayaa si diirran u soo dhaweeyay codsiga wafdiga Soomaaliyeed, wuxuuna ballan qaaday in si dhow wax looga qaban doono arrintaas. Waxa uu sheegay in la dhisi doono guddi baarlamaani ah oo si gaar ah ula socon doona xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada iyo xarumaha lagu hayo.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralliibiyabaarlamaankasoomaaliya
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.

La socodsii

Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.