Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha
Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya wuxuu muwaadiniinta u dammaanad qaadayaa xuquuqda isu imaatinka iyo bannaanbaxa nabadeed. Tani waa xuquuq muhiim ah oo ay tahay in la ixtiraamo. Shacabka, mucaaradka iyo cid kasta oo aragti qabta waxay xaq u leeyihiin inay si nabad ah u muujiyaan fikirradooda. Hase ahaate, xuquuq kasta waxaa […]
Dastuurka Soomaaliya wuxuu muwaadiniinta u dammaanad qaadayaa xuquuqda isu imaatinka iyo bannaanbaxa nabadeed, iyadoo dowladda Muqdisho ay u astaysay goobo cayiman oo bannaanbaxu si nabad ah uga dhici karo.
Maxaa la shaaciyey
- Bannaanbaxyada nabadeed waa xuquuq muhiim ah oo ay tahay in la ixtiraamo, laakiin waxaa la socda masuuliyad.
- Dowladdu waxay xaq u leedahay inay dejiso nidaam macquul ah si loo hubiyo amniga shacabka iyo ka qaybgalayaasha.
- Banaanbaxyada aan nidaam lahayn waxay keeni karaan qas iyo qalalaase, taasoo dhaawici karta ganacsiga iyo adeegyada bulshada.
Macnaha guud
Mucaaradka ayaa qorsheeyay bannaanbax 4-tii Juun ee Muqdisho, waxaana dowladda ay u astaysay goobo cayiman si nabad ah looga dhigo.
“Bannaanbax nabadeed waa in laga dheehdaa mid nabdoon inuu yahay asaaliibtiisa oo dhan.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waa inay ka warqabaan xuquuqda bannaanbaxyada iyo sida loo maamulo si nabad ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya wuxuu muwaadiniinta u dammaanad qaadayaa xuquuqda isu imaatinka iyo bannaanbaxa nabadeed. Tani waa xuquuq muhiim ah oo ay tahay in la ixtiraamo. Shacabka, mucaaradka iyo cid kasta oo aragti qabta waxay xaq u leeyihiin inay si nabad ah u muujiyaan fikirradooda.
Hase ahaate, xuquuq kasta waxaa la socda masuuliyad, iyo xad jaangoynaya. Bannaanbax nabadeed micnihiisu ma aha/kama dhigna, in qof ama koox ay magaalada ka dhigaan meel aan la maamuli karin. Sido kale, Ma aha in la xiro waddooyinka muhiimka ah, la hakiyo shaqada bulshada, la carqaladeeyo ganacsiga, ama la geliyo shacabka xaalad cabsi iyo amni-darro.
Dalalka reer Galbeedka ee aan inta badan tusaalaha u soo qaadanno, bannaanbaxyadu uma dhacaan si iska furan oo aan nidaam hagaya lahayn. Qabanqaabiyeyaasha waxay la xiriiraan booliska iyo maamulka deegaanka. Waxaa la isku raacaa goobta, waqtiga, jidka la mari karo, ilaalinta amniga, iyo sida loo badbaadinayo dadka bannaanbaxaya iyo shacabka kale. Ujeeddaduna ma aha in la aamusiiyo cidda bannaanbaxaysa, balse waa in la ilaaliyo xuquuqdooda iyo xuquuqda dadka kale labadaba.
Marka la eego bannaanbaxii mucaaradku qorsheeyeen 4-tii Juun ee Muqdisho, dowladda ma aysan oran/odhan “ma bannaanbixi kartaan.” Taas beddelkeeda, banaanbaxa si mid agaasiman u noqdo, waxay u astaysay goobo cayiman oo bannaanbaxu si nabad ah uga dhici karo, waxayna sheegtay inay sugi doonto amniga shacabka, ka qaybgalayaasha iyo hoggaanka mucaaradka. Taasi waa tallaabo macquul ah.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.