Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Dowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Hor Istaagii Garsoore Cartan

MUQDISHO – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku muujisay sida ay uga xun tahay duruufihii sababay in garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cartan, uu ka baaqdo ka qeybgalka tartanka kubadda cagta ee caalamiga ah ee ka socda dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico. War-saxaafadeedka ayaa lagu […

SO
Dowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Hor Istaagii Garsoore Cartan
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media

Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay sida ay uga xun tahay in garsooraha Cumar Cartan uu ka baaqdo ka qeybgalka tartanka kubadda cagta ee caalamiga ah.

Maxaa la shaaciyey

  1. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ayaa war-saxaafadeed ku muujisay in Cumar Cartan uu la kulmay caqabado la xiriira ogolaanshaha gelitaanka dalka Mareykanka.
  2. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaallo diblomaasiyadeed sameysay si xal loogu helo xaaladda garsooraha, laakiin ma aysan suuragelin in xal laga gaaro waqtigii loogu talagalay.
  3. Wasaaradda ayaa ku tilmaantay Cumar Cartan mid ka mid ah tusaalooyinka ugu wanaagsan ee muujinaya kartida dhallinyarada Soomaaliyeed.

Macnaha guud

Cumar Cartan ayaa ka maqnaaday tartanka Koobka aduunka sababo la xiriira caqabado ogolaansho.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ayaa ku tilmaantay Cumar Cartan mid ka mid ah tusaalooyinka ugu wanaagsan ee muujinaya kartida, dadaalka iyo adkeysiga dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiir Maxamed Faarax
Muqdisho
2026-06-09

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan sida dowladda ay u taageerto xirfadlayaasha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya isboortiga.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

MUQDISHO – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku muujisay sida ay uga xun tahay duruufihii sababay in garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cartan, uu ka baaqdo ka qeybgalka tartanka kubadda cagta ee caalamiga ah ee ka socda dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaallo diblomaasiyadeed oo ballaaran sameysay kadib markii la ogaaday in Garsoore Cumar Cartan uu la kulmay caqabado la xiriira ogolaanshaha gelitaanka dalka Mareykanka, taasoo ugu dambeyn keentay inuu ka maqnaado tartanka.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay arrintan kala shaqeysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyo sidoo kale Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo wada-hadallo iyo xiriirro diblomaasiyadeed lala yeeshay Dowladda Mareykanka iyo xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA si xal loogu helo xaaladda garsooraha.

Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeedka ayaa xusay in inkastoo dadaallo xooggan la sameeyay aysan suuragelin in xal laga gaaro arrintaasi waqtigii loogu talagalay, taasoo sababtay in Garsoore Cartan uu ka maqnaado guud ahaanba tartanka Koobka aduunka.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralsaartaywarsoomaaliya
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.

La socodsii

Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.