Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Koonfur Galbeed oo qodobo laysku hayo.
Doorashada Madaxtinimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gashay marxalad aad u xasaasi ah, iyadoo magaalada Baydhabo…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Waxa muhiimka ah
- Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo diyaarado dagaal dul heehaabaya.
- Musharaxiinta ka soo horjeeda Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa dalbanaya in geeddi-socodku noqdo mid hufan oo lagu kalsoonaan karo.
- Mucaaradka ayaa dalbanaya in Aadan Madoobe uu iska casilo xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka inta uu musharraxa yahay.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Doorashada Madaxtinimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gashay marxalad aad u xasaasi ah, iyadoo magaalada Baydhabo…
Doorashada Madaxtinimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gashay marxalad aad u xasaasi ah, iyadoo magaalada Baydhabo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo amni xilli ay hal maalin ka dhimman tahay Arbacada berri ah oo doorasho loo madlan yahay.
Ammaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana dul heehaabaya diyaarado dagaal, xilli ay jiraan cabsi laga qabo weerarro ama qalalaase ka yimaada ciidamada iyo taageerayaasha madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Musharaxiinta ka soo horjeeda Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa weli ku adkeysanaya in geeddi-socodku noqdo mid hufan oo lagu kalsoonaan karo, iyagoo soo bandhigay saddex qodob oo wali dood adag ka taagan tahay.
Musharixiinta ayaa dalbadanaya in guud ahaanba hoolka doorashada laga mamnuuco taleefannada gacanta si aan xildhibaannadu u sawirin warqadaha codkooda, hase yeeshee musharaxiinta mucaaradka ayaa arrintaas ka biyo-diidan, halka Villa Soomaaliya ay si weyn ugu dheggan tahay hirgelinteeda.
Dhanka kalena, musharaxiinta mucaaradka ayaa dalbanaya in doorashada lagu qabto goob amni ahaan dhexdhexaad ah oo ay sugaan ciidamada Midowga Afrika, isla markaana la qabto xilliga maalinta, xilli dowladdu ka fekerayso in doorashadu ka dhacdo xarun dowladeed ama madaxtooyo xilli habeen ah, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo daahfurnaanta codbixinta.
Ugu dambayntiina mucaaradka ayaa dalbanaya in Aadan Madoobe uu iska casilo xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka inta uu musharraxa yahay, si uu ula tartamo musharaxiinta kale isagoo aan haysan awoodda xilkiisa qaran, dalabkaan oo uu so cad u diiday Madoobe, taas oo sii adkaysay ismari-waaga siyaasadeed ee hareeyay doorashada Koonfur Galbeed.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Horseed Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · galbeed · koonfur · doorashada
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada