Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya
Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka, The post Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya first appeared on Radio Dalsan .

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho – Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa kulan xogsiin ah la qaatay safiirada iyo wakiillada beesha caalamka isagoo ka warbixiyay horumarka laga gaaray geedi-socodka doorashooyinka qof iyo cod ee dalka ka socda. Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirada dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Shiinaha, Turkiga, Itoobiya, Kenya Suudaan iyo Masar, iyo sidoo kale wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Ururka Iskaashiga Islaamka .
Kulankan ayaa muhiim u ah sababtoo ah waxa uu muujinayaa sida Guddigu ula wadaagayo beesha caalamka horumarka doorashooyinka, iyadoo ay jirto taageero caalami ah oo lagu xoojinayo hannaan dimuqraadi ah. Guddoomiyaha ayaa sheegay in doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir ay si wanaagsan u soo dhameystireen, iyo in doorashooyin isku-sidkan ah ay ka qabsoomeen Gobolada Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo in qorshaha Hirshabeelle uu socdo.
Guddoomiyaha ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay fursad u heleen ku dhawaad 57 sano kadib inay doortaan wakiiladooda siyaasadeed, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda dalka.
Safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay horumarka laga gaaray, waxayna xaqiijiyeen inay taageerayaan dadaallada lagu xoojinayo hannaan dimuqraadi ah oo awoodda doorashada dib loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale cadeeyeen inay Guddiga kala shaqeynayaan hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay, hufan oo lagu kalsoonaan karo.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Radio Dalsan
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.