Beesha Xawaadle oo ku dhawaaqaday in ay dhisanayaan Hirshabeelle Cusub.
Arbaco 16 Sep 2026 {HMC} Waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada ee beesha Xawaadle ayaa magaalada Beledweyne ku soo gabagabeeyay kulamo maalmahan u socday oo looga hadlayay xaaladda siyaasadeed iyo hanaanka dhismaha maamulka HirShabelle saddexaad.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Arbaco 16 Sep 2026 {HMC} Waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada ee beesha Xawaadle ayaa magaalada Beledweyne ku soo gabagabeeyay kulamo maalmahan u socday oo looga hadlayay xaaladda siyaasadeed iyo hanaanka dhismaha maamulka HirShabelle saddexaad.
Beesha Xawaadle ayaa ku baaqday in la joojiyo doorashooyinka iyo habraacyada siyaasadeed ee ka socda Hiiraan, iyadoo sheegtay in aan la aqbali karin hannaan aan ku dhisnayn heshiis iyo oggolaanshaha bulshada sida lagu sheegay go’aanada kasoo baxay Shirka oo uu hogaaminaayay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
War-murtiyeedka waxaa warbaahinta u akhriyey Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xiirey Axmed Rooble isagoo cadeeyay in Beesha aysan aqbali karin in hannaan siyaasadeed oo Hiiraan ah la sameeyo, iyadoo aan laga qaybgelin bulshada deegaanka.
Waxay sidoo kale ku baaqday Beesha Xawaadle in dhismaha HirShabelle saddexaad loo maro hannaan loo dhan yahay oo ku saleysan caddaalad, matalaad iyo awood-qaybsi ay dhinacyadu isku raacsan yihiin.
War-murtiyeedka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray tabashooyinka reer Hiiraan, iyadoo beesha ay ku baaqday in cabashooyinkaas si dhab ah loo qaado, lana raadiyo xal siyaasadeed oo ku dhisan wada-tashi iyo is-afgarad.
“Waa in la joojiyo dhammaan doorashooyinka iyo habraacyada aan ku dhisnayn heshiiska iyo oggolaanshaha bulshada,” ayaa lagu sheegay go’aamada kasoo baxay kulanka.
Beesha Xawaadle ayaa sidoo kale sheegtay in maamulka HirShabelle ee ka howlgala Hiiraan uu u hoggaansamo go’aamada kasoo baxay waxgaradka, isla markaana uu isu diyaariyo geedi-socodka dhismaha maamul cusub oo loo dhan yahay.
Qodob kale oo war-murtiyeedka lagu xusay ayaa ah in wixii qalalaase ama gacanka hadal ah ee ka dhasha doorasho aan heshiis lagu ahayn ay mas’uuliyaddeeda qaadi doonaan guddiga doorashooyinka iyo guddoomiyahooda Cabdikariin Xasan.
Beesha Xawaadle waxay sheegtay in aan la dhisi karin HirShabelle waarta iyadoo la iska indha tirayo tabashooyinka iyo rabitaanka bulshada reer Hiiraan.
Waxay ugu dambayn ku baaqday in aan waqti badan laga lumin bulshada HirShabelle, lana gaaray xilligii la dhisi lahaa maamul ka duwan kan hadda jira iyo kii hore waxaana War-murtiyeedka lagu soo gabagabeeyay in nabadda, caddaaladda, heshiiska iyo heshiis bulsho ay saldhig u yihiin Hiiraan iyo HirShabelle.
The post Beesha Xawaadle oo ku dhawaaqaday in ay dhisanayaan Hirshabeelle Cusub. appeared first on HMC Somalia News .
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · beesha · xawaadle · dhisanayaan
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada