Cabdicasiis Lafta-gareen oo dhisay xukuumad cusub
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiNairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa soo saaray warqad uu ku sheegay wareegto magacaabis, taas oo uu ku dhisay xukuumad cusub.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayMagacaabistan oo kasoo baxday xafiiska Lafta-gareen ayaa waxaa xubnaha la magacaabay loo kala xilsaaray wasaarado kala duwan oo ay ka mid yihiin amniga, waxbarashada, caafimaadka bulshada, beeraha iyo waraabka, iyo gaadiidka.
- Go’aan la gaarayXubnaha cusub ee Lafta-gareen uu sheegay inuu wasiirro u magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Xasan Cabdi Maxamed oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee Koonfur Galbeed.
- Go’aan la gaaraySidoo kale, Ilyaas Cali Nuur ayuu Lafta-gareen sheegay inuu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, halka Cabdi Axmed Qaasim uu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska ee maamulkaasi.
- Go’aan la gaarayMacallin Aadan Cali Arbow ayuu sheegay inuu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee maamulka Koonfur Galbeed.
Sida ay sheegtay Caasimada Online

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa soo saaray warqad uu ku sheegay wareegto magacaabis, taas oo uu ku dhisay xukuumad cusub.
Magacaabistan oo kasoo baxday xafiiska Lafta-gareen ayaa waxaa xubnaha la magacaabay loo kala xilsaaray wasaarado kala duwan oo ay ka mid yihiin amniga, waxbarashada, caafimaadka bulshada, beeraha iyo waraabka, iyo gaadiidka.
Xubnaha cusub ee Lafta-gareen uu sheegay inuu wasiirro u magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Xasan Cabdi Maxamed oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, Ilyaas Cali Nuur ayuu Lafta-gareen sheegay inuu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, halka Cabdi Axmed Qaasim uu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska ee maamulkaasi.
Macallin Aadan Cali Arbow ayuu sheegay inuu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee maamulka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, Ibraahim Aadan Cali Naja ayuu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Koonfur Galbeed, halka Maxamed Yuusuf Cali uu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
Maxamed Ibraahim Cali ayaa isna wuxuu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, halka Xasan Cabdulaqaadir Maxamed loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha.
Waxaa sidoo kale Lafta-gareen uu sheegay inuu xilal wasiirnimo u magacaabay Xasan Cabdinuur Albaro iyo Mustaf Axmed Idow.
Magacaabista Lafta-gareen ee xubnahan ayaa kusoo beegmaysa xilli maamulka Koonfur Galbeed uu leeyahay xukuumad shaqeysa, isla markaana uu meel adag marayo dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya maamulka cusub iyo kii hore ee uu hoggaaminayo Cabdicasiis Lafta-gareen.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · dhisay · gareen · cusub