Ciidamada Dawladda Sudan Oo Guulo Ka Sheegtay Dagaallo Ka Dhacay Agagaarka Xadka Itoobiya
Sudan, Al Baraka — Ciidamada qalabka sida ee dalka Sudan ayaa ku dhowaaqay inay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Al Baraka oo dhaca duleedka magaalada Al Kurmuk ee gobolka Blue Nile (Niilka Buluuga ah), kaas oo u dhow xadka uu dalkaasi uu la leeyahay Itoobiya. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska […]

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Sudan, Al Baraka — Ciidamada qalabka sida ee dalka Sudan ayaa ku dhowaaqay inay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Al Baraka oo dhaca duleedka magaalada Al Kurmuk ee gobolka Blue Nile (Niilka Buluuga ah), kaas oo u dhow xadka uu dalkaasi uu la leeyahay Itoobiya.
War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidanka Sudan ayaa lagu sheegay in guutada 4-aad ee ciidanka lugta iyo xoogagga taageeraya ay ku guuleysteen “horumar cusub oo dhanka dhulka ah” ka dib markii ay hawlgal milatari oo qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Al Baraka.
Warka ayaa intaas ku daray in ciidanka dawladdu ay halkaas ku jabiyeen xoogagga ka tirsan jabhadda (RSF) iyo xulafadooda ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Dadka Sudan-Waqooyi (SPLM-N). Sidoo kale, ciidanka ayaa sheegay inay burburiyeen, qaarkoodna ay la wareegeen gaadiid iyo agab ciidan oo ay lahaayeen kooxaha ka soo horjeeda, inkastoo aysan cayimin tirada rasmiga ah ee khasaaraha nafeed.
Ilaa hadda, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka jabhadda RSF oo ku saabsan sheegashada ciidanka dowladda.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan