Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediadiplomacy

Ciidamada Kenya ee AUSSOM oo Xoojiyey Dhaqdhaqaaqyada Ay Ka Wadaan Jubaland

KISMAAYO – Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee ka tirsan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa lagu guddoonsiiyay billado sharaf ay Midowga Afrika ku maamuuseen doorkooda ku aaddan taageeridda nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya. Munaasabadda billad-bixinta oo ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa waxaa guddoomiyay Taliyaha Qaybta 2-aad ee AUSSOM, S

SO
Ciidamada Kenya ee AUSSOM oo Xoojiyey Dhaqdhaqaaqyada Ay Ka Wadaan Jubaland
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee ka tirsan Hawlgalka AUSSOM ayaa lagu guddoonsiiyay billado sharaf oo ay Midowga Afrika siiyeen doorkooda ku aaddan taageeridda nabadda Soomaaliya.

Maxaa la shaaciyey

  1. Munaasabadda billad-bixinta ayaa ka dhacday magaalada Kismaayo.
  2. Sarreeye Guuto Edward Banda ayaa ku ammaanay ciidamada Kenya xirfadda iyo hufnaanta ay muujiyeen muddadii 14-ka bilood.
  3. Wasiirka Amniga Jubaland, Yuusuf Xuseen Cismaan, ayaa uga mahadceliyay ciidamada Kenya taageerada ay siiyeen howlgalka AUSSOM.

Sarreeye Guuto Banda ayaa ku ammaanay ciidamada Kenya xirfadda, hufnaanta iyo dadaalka ay muujiyeen muddadii 14-ka bilood.

Sarreeye Guuto Edward Banda, Sarreeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan, Fernando Tomé
Kismaayo
2026-06-17

Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in akhristayaasha Soomaaliyeed ay ogaadaan doorka ciidamada Kenya ee xoojinta amniga iyo xasilloonida Jubaland.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

KISMAAYO – Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee ka tirsan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa lagu guddoonsiiyay billado sharaf ay Midowga Afrika ku maamuuseen doorkooda ku aaddan taageeridda nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Munaasabadda billad-bixinta oo ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa waxaa guddoomiyay Taliyaha Qaybta 2-aad ee AUSSOM, Sarreeye Guuto Edward Banda, isagoo ku hadlayay magaca Taliyaha Guud ee AUSSOM, Sarreeye Guuto Sam Kavuma. Waxaana ka qeyb galay Wasiirka Amniga Jubaland, Sarreeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan, iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), Fernando Tomé.

Sarreeye Guuto Banda ayaa ku ammaanay ciidamada Kenya xirfadda, hufnaanta iyo dadaalka ay muujiyeen muddadii 14-ka bilood ahayd ee ay ka howlgalayeen Soomaaliya, isagoo sheegay in waxqabadkoodu uu door weyn ka qaatay xoojinta amniga iyo xasilloonida deegaannada ay ka howlgalaan.

Wasiirka Amniga Jubaland, Yuusuf Xuseen Cismaan, ayaa uga mahadceliyay ciidamada Kenya taageerada ay siiyeen howlgalka AUSSOM iyo xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin bulshada deegaanka, isagoo sidoo kale bogaadiyay kaalintooda ku aaddan tababarrada iyo awood-dhisidda Ciidamada Amniga Soomaaliya.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliadiplomacydiplomacyciidamadakenya
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.

La socodsii

Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.