Ciidamada Mareykanka oo baaray guriga Ilhaan Cumar oo lagu tuhmayo dambi la xiriira…
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiCiidamada ammaanka ee Mareykanka ayaa baaritaan ku sameeyey guriga xildhibaanadda Soomaaliyeed Ilhan Omar oo ku yaal Washington, iyadoo baaritaanku qeyb ka yahay baaritaan dembiyeed federaal ah oo socda.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Ciidamada fuliyey hawlgalka ayaa ka tirsanaa hay’adda Homeland Security Investigations (HSI), oo hoos tagta Wasaaradda Amniga Gudaha Mareykanka, sida ay wakiillada wararka AP u sheegeen laba qof oo xog-ogaal u ah baaritaanka, kuwaas oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin.
- Wasaaradda Caddaaladda ayaa sheegtay in ciidamada ay guriga ku galeen amar baaritaan oo maxkamadeed, balse ma aysan faahfaahin dembiyada la baarayo iyo caddeymaha ay ciidamada raadinayeen.
- “Hawlgalkan wuxuu qeyb ka yahay baaritaan dembiyeed federaal ah oo socda,” ayay wasaaraddu ku sheegtay war ay soo saartay.
- Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale xiray waddada ku dhow guriga Ilhan Omar, iyadoo saraakiisha baaritaanka ay muddo ku sugnaayeen goobta, sida ay AP ku warrantay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay eedeymaha gaarka ah ee la baarayo?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ciidamada ammaanka ee Mareykanka ayaa baaritaan ku sameeyey guriga xildhibaanadda Soomaaliyeed Ilhan Omar oo ku yaal Washington.
- Baaritaanku wuxuu qeyb ka yahay baaritaan dembiyeed federaal ah oo socda, sida ay sheegtay Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka.
- Amar baaritaan ayaa la fuliyey, balse faahfaahin ku saabsan dembiyada la tuhunsan yahay lama bixin.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Washington (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Mareykanka ayaa subaxnimadii Isniinta baaritaan ku sameeyey guriga ay magaalada Washington ku leedahay xildhibaanadda Soomaaliyeed ee Ilhan Omar, iyadoo Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ay xaqiijisay in hawlgalku qeyb ka yahay baaritaan dembiyeed socda.
Ciidamada fuliyey hawlgalka ayaa ka tirsanaa hay’adda Homeland Security Investigations (HSI), oo hoos tagta Wasaaradda Amniga Gudaha Mareykanka, sida ay wakiillada wararka AP u sheegeen laba qof oo xog-ogaal u ah baaritaanka, kuwaas oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin.
Wasaaradda Caddaaladda ayaa sheegtay in ciidamada ay guriga ku galeen amar baaritaan oo maxkamadeed, balse ma aysan faahfaahin dembiyada la baarayo iyo caddeymaha ay ciidamada raadinayeen.
“Hawlgalkan wuxuu qeyb ka yahay baaritaan dembiyeed federaal ah oo socda,” ayay wasaaraddu ku sheegtay war ay soo saartay.
Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale xiray waddada ku dhow guriga Ilhan Omar, iyadoo saraakiisha baaritaanka ay muddo ku sugnaayeen goobta, sida ay AP ku warrantay.
Warbaahinta Fox News Digital , oo markii ugu horreysay tabisay hawlgalka, ayaa sheegtay in baaritaanku la xiriiro tuhunno musuqmaasuq oo ku saabsan dukumentiyo socdaal oo aabbaheed, oo geeriyooday, uu buuxiyey xilligii ay carruurta ahayd.
Hase yeeshee, Wasaaradda Caddaaladda weli ma xaqiijin in baaritaanka guriga Ilhan Omar uu si gaar ah ula xiriiro eedeymahaas, mana shaacin wax caddeymo ah oo ay ciidamadu ka heleen guriga.
Sidoo kale, ma jiraan wax dacwado dembiyeed ah oo si rasmi ah loogu soo oogay xildhibaanadda, iyadoo xafiiskeeduna uusan markiiba ka jawaabin codsiyada warbaahinta ee ku saabsan dhacdada.
Eedeymihii hore ee Ilhan Omar
Baaritaanka guriga Ilhan Omar ayaa yimid kaddib bilo ay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Madaxweyne Donald Trump si cad uga hadlayeen eedeymo la xiriira taariikhda socdaalkeeda iyo qaabkii ay ku heshay dhalashada Mareykanka.
Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa bishii May sheegay in Wasaaradda Caddaaladdu ay baarayso eedeymo la xiriira guur hore oo ay gashay Ilhan Omar iyo suurtagalnimada in ay ku kacday khiyaano dhanka socdaalka ah.
Vance ayaa sheegay inay jiraan arrimo shaki dhalinaya oo u baahan in la baaro, balse wuxuu xusay in dacwad lagu soo oogi karo oo keliya haddii la helo caddeymo muujinaya in dembi dhacay.
“Waxaan sameyn doonnaa baaritaan. Arrinta waan eegi doonnaa. Haddii aan u aragno in dembi dhacay, waan ku soo oogi doonnaa dacwad,” ayuu yiri Vance.
Eedeymahaas ayaa qeyb ahaan ku saleysan sheegashooyin ay muddo dheer faafinayeen siyaasiyiin Jamhuuri ah iyo kooxo muxaafid ah, kuwaas oo ku andacoonaya in Ilhan Omar ay guursatay nin ay ku sheegeen walaalkeed si ay ugu fududeyso inuu Mareykanka soo galo.
Ilhan Omar ayaa marar badan si adag u beenisay sheegashooyinkaas, iyadoo ku tilmaantay been-abuur lagu dhaawacayo sumcaddeeda. Ilaa hadda ma jiraan caddeymo si fagaare ah loo soo bandhigay oo xaqiijinaya eedeynta ah inay guursatay walaalkeed.
Arrintan ayaa mar kale soo xoogeysatay 13-kii September, markii Tom Homan, oo ah la-taliyaha Aqalka Cad u qaabilsan ilaalinta xuduudaha, uu xaqiijiyey in dowladda federaalku waddo baaritaan dembiyeed oo ku saabsan Ilhan Omar.
“Waan ogahay inay jiraan waxyaabo socda, balse ma bixin karo faahfaahinta waxa dhacaya,” ayuu Homan u sheegay Fox News.
Wuxuu intaas ku daray in qof kasta oo lagu helo inuu jebiyey sharciyada socdaalka ama ku kacay khiyaano guur uu wajihi doono sharciga, xitaa haddii uu yahay xildhibaan ka tirsan Congress-ka.
Shan maalmood kaddib, Ilhan Omar ayaa Fox News Digital u sheegtay in saraakiisha Wasaaradda Amniga Gudaha aysan la soo xiriirin, isla markaana aysan wax ogeysiis ah ka helin baaritaanka ay mas’uuliyiintu ka hadlayeen.
Xoghayaha Amniga Gudaha Markwayne Mullin ayaa isaguna hore u sheegay in dowladda ay qaadi karto tallaabooyin lagu masaafurinayo Ilhan Omar haddii la caddeeyo inay khiyaano ku heshay sharciyadii ay Mareykanka ku soo gashay.
Si kastaba, Ilhan Omar waxay haysataa dhalashada Mareykanka, waxaana sharciga dalkaasi uu dhigaya in ka qaadista dhalashada qofka ay u baahan tahay hannaan sharci oo gaar ah iyo caddeymo buuxiya shuruudaha uu sharcigu qeexay.
Xiisadda Trump iyo Ilhan Omar
Hawlgalkan ayaa sidoo kale ku soo beegmay xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya maamulka Trump iyo Ilhan Omar, oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u dhaliila madaxweynaha.
Trump ayaa 8-dii October mar kale weerar afka ah ku qaaday bulshada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, isagoo ku eedeeyey inay gobolka la wareegayaan, isla markaana ay ka dambeeyaan rabshado iyo falal amni-darro.
Wuxuu dadka Minnesota ugu baaqay inay ka hortagaan xaaladda uu tilmaamay, halka xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka, Keith Ellison, uu cambaareeyey hadalladaas, isagoo difaacay bulshada Soomaaliyeed.
Trump ayaa muddo dheer si gaar ah u bartilmaameedsanayey Ilhan Omar, isagoo marar badan su’aal geliyey daacadnimadeeda Mareykanka, kuna baaqay in dalka laga masaafuriyo, inkastoo ay tahay muwaadinad Mareykan ah.
Ilhan Omar ayaa dhankeeda ku tilmaantay weerarrada joogtada ah ee Trump kuwo xad-dhaaf ah, iyadoo sheegtay inay ka qeyb qaadanayaan hanjabaadaha iyo cadaadiska ay kala kulanto kooxaha ka soo horjeeda.
Baaritaanka gurigeeda ayaa dhacay iyadoo wax ka yar bil ay ka harsan tahay doorashooyinka dhexe ee Congress-ka Mareykanka, oo loo qorsheeyey 3-da November, kuwaas oo xisbiga Jamhuuriga uu doonayo inuu ku sii haysto aqlabiyadda labada aqal.
Ilhan Omar, oo 44 jir ah, waxay ku dhalatay Muqdisho sanadkii 1982, waxayna Soomaaliya ka qaxday xilligii dagaalladii sokeeye. Qoyskeeda ayaa muddo ku noolaa xero qaxooti oo ku taalla Kenya ka hor intaysan Mareykanka tegin sanadkii 1995.
Waxay dhalashada Mareykanka qaadatay sanadkii 2000, halka sanadkii 2018 ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali-Mareykan ah oo loo doorto Congress-ka Mareykanka.
Waxay hadda matashaa degmada shanaad ee gobolka Minnesota, oo ay ku jirto magaalada Minneapolis, halkaas oo ay ku nool yihiin Soomaali aad u tiro badan.
Ilaa hadda, dowladda Mareykanka ma shaacin muddada uu socon doono baaritaanka lagu sameeyey gurigeeda, waxyaabaha ay ciidamada ka soo qaadeen iyo haddii ay qorsheyneyso inay dacwad dembiyeed ku soo oogto xildhibaanadda.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ciidamada ammaanka ee Mareykanka ayaa baaritaan ku sameeyey guriga xildhibaanadda Soomaaliyeed Ilhan Omar oo ku yaal Washington, iyadoo baaritaanku qeyb ka yahay baaritaan dembiyeed federaal ah oo socda.
Qodobada muhiimka ah
- Ciidamada ammaanka ee Mareykanka ayaa baaritaan ku sameeyey guriga xildhibaanadda Soomaaliyeed Ilhan Omar oo ku yaal Washington.
- Baaritaanku wuxuu qeyb ka yahay baaritaan dembiyeed federaal ah oo socda, sida ay sheegtay Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka.
- Amar baaritaan ayaa la fuliyey, balse faahfaahin ku saabsan dembiyada la tuhunsan yahay lama bixin.
- Ma jiraan wax dacwado dembiyeed ah oo si rasmi ah loogu soo oogay xildhibaanadda.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan dembiyada la tuhunsan yahay.
- Ma jiraan wax dacwado dembiyeed ah oo si rasmi ah loogu soo oogay xildhibaanadda.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay ilo aan magac lahayn oo ku saabsan qaar ka mid ah sheegashooyinka.
Gunaanadka akhristaha
Ciidamada ammaanka ee Mareykanka ayaa baaritaan ku sameeyey guriga Ilhan Omar, balse wax dacwado ah laguma soo oogi karin.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay eedeymaha gaarka ah ee la baarayo?
- Waa maxay caddeymaha, haddii ay jiraan, ee laga helay baaritaanka?
- Ma jiri doontaa wax dacwado ah oo si rasmi ah loogu soo oogi doono Ilhan Omar?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · security · security · mareykanka · ciidamada
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada