Ciidamada Mareykanka oo ‘shacab Soomaali ah ku go’doomiyey’ gobolka…
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiCiidamada Mareykanka ayaa lagu eedeeyey in duqeymaha ay ka fuliyaan koonfurta Soomaaliya ay dadka rayidka ah ku khasbayaan inay u cararaan oo ay ku go’doomaan hareeraha webiga Jubba, halka Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) diiday eedeymahaas.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayCali Aadan Cali, oo ah guddoomiyaha arrimaha barakacayaasha ee Jubaland, ayaa The Guardian u sheegay in doomaha oo yar ay sababi karto in kumannaan qof ay ku go’doomaan bariga webiga, ayna gaari waayaan gargaarka Kismaayo.
- “Duqeymaha cirka ayaa dadka ku khasbaya inay u dhowaadaan webiga.
- “AFRICOM ma beegsato dadka rayidka ah, mana fuliso howlgallo ujeeddadoodu tahay barakicinta shacabka, sidoo kalena cimilada ama fatahaadaha uma adeegsato hab dagaal,” ayuu afhayeen u hadlay taliska u sheegay wargeyska.
- Afhayeenka ayaa intaas ku daray in ciidamada Mareykanku beegsadaan bartilmaameedyo milatari oo sharcigu oggol yahay, ayna qaadaan tallaabooyinka suuragalka ah ee lagu yareynayo waxyeellada rayidka.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa saameynta suurtagalka ah ee hawlgallada milatari ee deegaannada ay fatahaaduhu khatar ku yihiin, taasoo saameyn ku yeelanaysa badbaadada iyo dhaqdhaqaaqa rayidka.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin dhacdooyinka gaarka ah ee sababay eedeymaha ka dhanka ah ciidamada Mareykanka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ciidamada Mareykanka ayaa lagu eedeeyey in duqeymaha ay ka fuliyaan koonfurta Soomaaliya ay dadka rayidka ah ku khasbayaan inay u cararaan oo ay ku go’doomaan hareeraha webiga Jubba.
- Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa diiday eedeymahaas.
- Dad ku nool deegaannada ay Al-Shabaab maamusho oo la hadlay The Guardian ayaa sheegay in duulimaadyada joogtada ah ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo duqeymaha cirka ay xaddideen dhaqdhaqaaqooda, xilli biyaha fatahaaduhu sare u kacayee
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) — Ciidamada Mareykanka ayaa lagu eedeeyey in duqeymaha ay ka fuliyaan koonfurta Soomaaliya ay dadka rayidka ah ku khasbayaan inay u cararaan oo ay ku go’doomaan hareeraha webiga Jubba, xilli roobabka Deyrta ay halis fatahaado xooggan ku hayaan deegaannadaas, sida uu qoray wargeyska The Guardian.
“Duqeymaha cirka ayaa dadka ku khasbaya inay u dhowaadaan webiga. Waa weerar aad u xooggan oo El Niño hub dagaal ka dhiganaya, si shacabka loogu riixo deegaanno ay fatahaaduhu halis ku hayaan,” ayuu qof magaciisa la qariyey u sheegay wargeyska oo la socda xaaladda dhulka ku teedsan webiga Jubba.
Hase yeeshee, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa diiday eedeymahaas.
“AFRICOM ma beegsato dadka rayidka ah, mana fuliso howlgallo ujeeddadoodu tahay barakicinta shacabka, sidoo kalena cimilada ama fatahaadaha uma adeegsato hab dagaal,” ayuu afhayeen u hadlay taliska u sheegay wargeyska.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in ciidamada Mareykanku beegsadaan bartilmaameedyo milatari oo sharcigu oggol yahay, ayna qaadaan tallaabooyinka suuragalka ah ee lagu yareynayo waxyeellada rayidka.
Warbixintu waxay sidoo kale soo bandhigtay walaac ku saabsan in arrimo milatari loo adeegsado xogta khariidadaha fatahaadaha ee loogu talagalay hawlaha gargaarka.
Jethro Norman, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Caalamiga ah ee Denmark, ayaa sheegay in haddii xogtaas loo adeegsado waxyeellada dadka, ay ka dhigan tahay in qalab loogu talagalay badbaadinta rayidka iyaga lagu dhibaateeyo.
Caasimada Online si madax-bannaan uma xaqiijin eedeymahan iyo dhacdooyinka ay dadka deegaanku sheegeen.
Rayidka go’doonsan
Dad ku nool deegaannada ay Al-Shabaab maamusho oo la hadlay The Guardian ayaa sheegay in duulimaadyada joogtada ah ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo duqeymaha cirka ay xaddideen dhaqdhaqaaqooda, xilli biyaha fatahaaduhu sare u kacayeen.
Cayni Cali, oo ah hooyo 27 jir ah oo leh lix carruur ah, ayaa sheegtay in gurigeeda magaalada Jilib uu webiga Jubba u jiro shan mitir oo keliya. Waxay sheegtay in biyo dhexda gaaraya iyo weerarro soo noqnoqday ay dadka u diideen inay baxsadaan.
“Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn mar walba way yimaadaan. Si joogto ah ayaan u maqalnaa. Waxay dilaan xoolo iyo dad rayid ah. Magaaladu waa weyn tahay, laakiin burburku meel walba ayuu yaallaa,” ayay u sheegtay wargeyska.
Farxaan Axmed, oo 35 jir ah kana qaxay Jilib bishii Sebtembar, ayaa wargeyska u sheegay in hal duqeyn ay dhulka la sintay shan guri oo ku yaalla xaafaddiisa. Wuxuu sheegay inuu arkay meydad waddooyinka yaalla. Faadumo Cabdi ayaa iyaduna sheegtay in qaar ka mid ah dadka dhintay la aasay, halka kuwo kalena aan la aasin.
Yuusuf Siidi, oo 27 jir ah kana soo jeeda deegaanka Araare ee u dhow Jamaame, ayaa sheegay inuu arkay saddex dhallinyaro ah oo duqeyn lagu dilay.
Maryan Salaax ayaa iyaduna ka warrantay dhacdo kale oo gabal bir ah oo gubanaya, dhererkiisuna yahay 20 sentimitir, uu ku soo dhacay daaradda gurigeeda, meel u dhow gabadheeda oo laba jir ah. Waxay sheegtay in birtu ka dhalatay weerar diyaarad aan duuliye lahayn.
Maryan ma sheegin taariikh sax ah, balse waxay dhacdada ku beegtay bartamihii Maarso. The Guardian ayaa xustay in AFRICOM ay shaacisay duqeyn ka dhacday agagaarka Jamaame 19-kii Maarso, hase yeeshee ma aysan xaqiijin inay ahayd isla dhacdada ay Maryan ka hadashay.
Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) uu sanadkan Kismaayo ku daweeyey 205 qof oo qaba dhaawacyo hub sababay, taas oo 43 boqolkiiba ka badan tiradii 2025. Tirakoobkaasi ma caddeynayo inta ku dhaawacantay duqeymaha cirka.
Muranka tirada duqeymaha
The Guardian ayaa isbarbardhigtay hadallada dadka deegaanka ee sheegaya weerarro ku dhowaad maalin kasta dhaca iyo xogta ay AFRICOM shaacisay. Sida wargeysku sheegay, talisku wuxuu qiray hal duqeyn oo Jilib ka dhacday bishii Agoosto iyo lix kale oo bishii Sebtembar ah.
AFRICOM ayaa diiday inay wargeyska siiso faahfaahin ku saabsan khasaaraha rayidka ee suuragalka ah, iyadoo sabab uga dhigtay amniga howlgallada. Waxay sheegtay inaysan hayn tiro duqeymo ah oo qarsoodi ah, ayna shaaciso dhammaan duqeymaha Soomaaliya laga fuliyo ee hoos yimaada amarkeeda.
Turkiga ayaa sidoo kale Soomaaliya ka fuliya howlgallo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ka dhan ah Al-Shabaab, balse marar dhif ah ayuu faahfaahin ka bixiyaa, sida uu wargeysku xusay.
Baaritaan hore oo The Guardian ay daabacday bishii Juun ayaa sheegay in duqeyn Mareykanku ka fuliyey Jamaame 15-kii Nofeembar 2025 ay dishay ugu yaraan 12 qof oo rayid ah, oo ay ku jireen siddeed carruur ah.
Hase yeeshee, AFRICOM ayaa Al Jazeera u sheegtay 20-kii Oktoobar in qiimeynteedu aysan caddeyn in ciidamada Mareykanku mas’uul ka ahaayeen khasaaraha rayidka ee laga soo sheegay dhacdadaas.
Jilib, oo ka mid ah saldhigyada ugu waaweyn ee Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida, waxay ku taallaa dhul hoose oo u nugul fatahaadaha. Fatahaadihii El Niño ee 2023 ayaa Soomaaliya ka barakiciyey qiyaastii 1.2 milyan oo qof.
Halista fatahaadaha
Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa bishii Sebtembar ka digtay in suurtagalnimada roobab ka badan heerka caadiga ah ay gaareyso 90 boqolkiiba qaybo badan oo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, inta lagu jiro xilliga Deyrta ee Oktoobar ilaa Diseembar. Waxay se caddeysay in saadaashaasi aysan ka dhigneyn in fatahaaduhu hubaal yihiin.
Hay’addu waxay sheegtay in roobabka ka da’a dhulka sare ee ay webiyadu ka yimaadaan, oo ay Itoobiya ku jirto, ay sii kordhin karaan biyaha Jubba iyo Shabeelle, xitaa marka roobabka gudaha Soomaaliya yaraadaan.
Cali Aadan Cali, oo ah guddoomiyaha arrimaha barakacayaasha ee Jubaland, ayaa The Guardian u sheegay in doomaha oo yar ay sababi karto in kumannaan qof ay ku go’doomaan bariga webiga, ayna gaari waayaan gargaarka Kismaayo.
Wargeysku wuxuu intaas ku daray in Cali uu aqoonsaday 327 deegaan oo fatahaado u nugul, balse markii la gaaray Oktoobar digniinuhu ay gaareen qiyaastii kala bar oo keliya.
Fatahaaduhu waxay sidoo kale sii xumeyn karaan dhibaatada gaajada, xilli hay’adaha gargaarku la tacaalayaan dhaqaale yari. Qiimeyn ay dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay soo saareen 23-kii Sebtembar ayaa saadaalisay in 5.4 milyan oo qof ay Oktoobar ilaa Diseembar wajihi doonaan cunto yari heer qalalaase ah ama ka daran.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ciidamada Mareykanka ayaa lagu eedeeyey in duqeymaha ay ka fuliyaan koonfurta Soomaaliya ay dadka rayidka ah ku khasbayaan inay u cararaan oo ay ku go’doomaan hareeraha webiga Jubba, halka Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) diiday eedeymahaas. Rayidka ayaa sheegay in duulimaadyada joogtada ah ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo duqeymaha cirka ay xaddideen dhaqdhaqaaqooda, xilli biyaha fatahaaduhu sare u kacayeen.
Qodobada muhiimka ah
- Ciidamada Mareykanka ayaa lagu eedeeyey in duqeymaha ay ka fuliyaan koonfurta Soomaaliya ay dadka rayidka ah ku khasbayaan inay u cararaan oo ay ku go’doomaan hareeraha webiga Jubba.
- Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa diiday eedeymahaas.
- Dad ku nool deegaannada ay Al-Shabaab maamusho oo la hadlay The Guardian ayaa sheegay in duulimaadyada joogtada ah ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo duqeymaha cirka ay xaddideen dhaqdhaqaaqooda, xilli biyaha fatahaaduhu sare u kacayee
- Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) uu sanadkan Kismaayo ku daweeyey 205 qof oo qaba dhaawacyo hub sababay.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu sheegayaa eedeymo ka dhan ah ciidamada Mareykanka iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Diidmada AFRICOM ee eedeymaha waxaa lagu daray laakiin ma jirto xaqiijin dibadda ah.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha ciidamada Mareykanka ee ku saabsan dhacdooyinka gaarka ah ee ay sheegteen rayidka.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladdu waxay sii ahaaneysaa mid adag, iyadoo eedeymo culus loo jeedinayo ciidamada Mareykanka iyo walaacyo weyn oo ku saabsan badbaadada rayidka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin dhacdooyinka gaarka ah ee sababay eedeymaha ka dhanka ah ciidamada Mareykanka?
- Sidee AFRICOM u xaqiijisaa sheegashadeeda ah in la yareeyo waxyeellada rayidka?
- Maxay yihiin tallaabooyinka la qaadayo si loo caawiyo rayidka ay saameeyeen fatahaadaha?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa saameynta suurtagalka ah ee hawlgallada milatari ee deegaannada ay fatahaaduhu khatar ku yihiin, taasoo saameyn ku yeelanaysa badbaadada iyo dhaqdhaqaaqa rayidka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · ciidamada · mareykanka · soomaali
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada