Ciidamada Tigray oo qabsaday garoonka diyaaradaha Mekelle
Mekelle (Caasimada Online) – Ciidamada Tigray ayaa Arbacadii la wareegay gacan ku haynta garoonka diyaaradaha ee magaalada Mekelle, caasimadda gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, xilli ay mar kale sii xoogeysanayaan xiisadaha u dhexeeya maamulka gobolka iyo dowladda…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Mekelle (Caasimada Online) – Ciidamada Tigray ayaa Arbacadii la wareegay gacan ku haynta garoonka diyaaradaha ee magaalada Mekelle, caasimadda gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, xilli ay mar kale sii xoogeysanayaan xiisadaha u dhexeeya maamulka gobolka iyo dowladda federaalka.
Ilo dhinaca ammaanka ah iyo kuwo maxalli ah ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in ciidamada Tigray ay la wareegeen garoonka Alula Aba Nega, iyadoo duulimaadyadii magaalada laga hakiyey.
Shaqaale ka tirsan garoonka ayaa sheegay in isaga iyo shaqaale kale loo sheegay inay guryahooda ku laabtaan kaddib markii ay soo baxday in ciidamada Tigray ay gudaha u galeen garoonka.
“Annaga oo ku sii jeedna garoonka si aan shaqada u aadno ayuu kormeerahayagu wacay darawalka, wuxuuna u sheegay in ciidamada Tigray ay la wareegeen garoonka. Maadaama aysan jirin wax duulimaad ah, wuxuu nagu amray inaan guryaha ku laabanno,” ayuu shaqaaluhu u sheegay AFP.
Ilo amni oo ajnabi ah oo ku sugan Itoobiya ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ciidamada Tigray ay la wareegeen garoonka.
Wararka ayaa sheegaya in tiro yar oo ka tirsan booliska federaalka ay ilaalinayeen garoonka, balse aan si rasmi ah loo ogeyn xaaladdooda kaddib markii ciidamada Tigray ay halkaas gaareen.
Duulimaadyada oo la joojiyey
Shirkadda diyaaradaha Itoobiya ee Ethiopian Airlines ayaa ku dhawaaqday inay si ku-meel-gaar ah u hakisay duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Mekelle, Axum iyo Shire sababo la xiriira xaaladda amni ee ka jirta gobolka Tigray.
“Ethiopian Airlines waxay si ku-meel-gaar ah u hakisay duulimaadyada Mekelle, Axum iyo Shire laga bilaabo maanta, sababo la xiriira xaaladda hadda ka jirta gobolka Tigray,” ayay shirkaddu ku sheegtay bayaan.
Xogta FlightRadar, oo la socota dhaqdhaqaaqa diyaaradaha, ayaa sidoo kale muujisay in duulimaad Arbacadii subaxnimo isku xiri lahaa Mekelle iyo caasimadda Addis Ababa la baajiyey.
Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli ay sii kordhayaan calaamadaha muujinaya in xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo Tigray People’s Liberation Front (TPLF) uu mar kale sii xumaanayo.
TPLF, oo gacanta ku haya inta badan maamulka Tigray, ayaa dagaal ba’an kula jirtay dowladda federaalka intii u dhaxeysay 2020 iyo 2022. Qiyaaso uu soo bandhigay Midowga Afrika ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay ku dhinteen ku dhowaad 600,000 oo qof.
Heshiiskii nabadda ee Pretoria ee la saxiixay 2022 ayaa soo afjaray dagaalka, balse xaaladda gobolka ayaa mar kale kacsaneyd tan iyo dabayaaqadii 2025, markii ay dib u billowdeen iska horimaadyo goos-goos ah.
Cabsi laga qabo dagaal cusub
Dowladda federaalka ayaa bilihii lasoo dhaafay fulisay duqeymo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo ka dhacay gudaha Tigray, iyadoo sidoo kale ciidamo badan lagu ururiyey xuduudaha gobolka.
Dhinaca kale, ururrada xuquuqda aadanaha ayaa TPLF ku eedeeyey inay sanadkan wadday olole dad si khasab ah loogu qorayo ciidamada, iyadoo la cabsi qabo inay isu diyaarineyso dagaal kale.
Xiisadda ayaa sii xoogeysatay kaddib markii Axaddii lagu dhawaaqay in TPLF ay ku biirtay isbaheysi cusub oo ay sameysteen kooxo hubeysan oo kasoo horjeeda dowladda federaalka Itoobiya.
Itoobiya ayaa sidoo kale wajahaysa jabhado iyo colaado hubeysan oo ka jira gobollo kale, gaar ahaan Oromia iyo Amhara, oo ah labada gobol ee ugu dadka badan dalka.
TPLF ayaa Itoobiya oo dhan ka talinaysay intii u dhaxeysay 1991 iyo 2018, balse awooddeeda ayaa hoos u dhacday markii Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu xukunka qabtay, taasoo ugu dambeyn horseeday khilaafkii isu beddelay dagaalkii Tigray.
Inkastoo dagaalkaasi si rasmi ah loo soo afjaray 2022, gobolka Tigray weli si buuxda ugama soo kaban burburkii ka dhashay. Qiyaastii hal milyan oo qof ayaa weli ku barakacsan gudaha gobolka, halka qeybo badan oo ka mid ah heshiiskii Pretoria aan weli la fulin.
Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale TPLF ku eedeysay inay xiriir la sameysatay Eritrea iyo kooxo hubeysan oo Itoobiya ka dagaallama.
Dowladda federaalka ayaa dhankeeda leh awood ciidan oo ka weyn tii ay lahayd dagaalkii hore, gaar ahaan kaddib markii ay sare u qaadday soo saarista iyo adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
La wareegidda garoonka Mekelle ayaa hadda noqonaysa mid ka mid ah dhacdooyinka ugu culus ee muujinaya sida ay mar kale u sii xumaaneyso xaaladda Tigray, iyadoo cabsi weyn laga qabo in colaaddii dhiigga badan ku daatay ay dib u soo laabato.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · ciidamada · garoonka · diyaaradaha
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada