Ciidanka Itoobiya oo gaaray xadka Eritrea kuna dhow in ay…
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiCiidamada Itoobiya ayaa gaaray magaalada Zalambessa ee ku taalla xadka Eritrea kaddib markii ay dib uga riixeen xoogaggii fallaagada Tigray, iyadoo walaac sii kordhaya laga qabo in xiisadda labada dal ay isu beddesho dagaal toos ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Dhaqdhaqaaqan militari ayaa kusoo beegmaya iyadoo diblomaasiyiinta caalamku ay dadaal ugu jiraan sidii looga hortagi lahaa dagaal cusub oo dhex mara Itoobiya iyo Eritrea, kuwaas oo mar kale isku haya arrimo amni iyo muranka ku saabsan damaca Itoobiya ee helitaanka marin badeed.
- Lix ilo wareed, oo ay ku jiraan afar qof oo xiriir la leh dadka deegaanka, diblomaasi iyo khabiir ku xeeldheer colaadda, ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in ciidamada Itoobiya ay Talaadadii gaareen Zalambessa, oo ah magaalo ay ku nool yihiin qiyaastii 15,000 oo qof.
- Magaaladan oo ku taalla dhanka Itoobiya ee xadka Eritrea ayaa horay gacanta ugu jirtay xoogagga Tigray, balse ciidamada dowladda federaalka ayaa maalmihii u dambeeyey waday weerarro rogaalcelis ah oo ay dib ugu qabsanayaan deegaannadii laga saaray.
- Goobjoogayaal iyo hay’ad la socota colaadaha ayaa sheegay in ciidamada Eritrea ay toddobaadkii hore kasoo gudbeen xadka, ayna galeen Zalambessa si ay u taageeraan fallaagada Tigray.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa suurtagalnimada in dib loo bilaabo colaadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Eritrea, taasoo saameyn weyn ku yeelan karta xasiloonida gobolka.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan talaabooyinka xiga ee dowladda Itoobiya ka dib dhaq-dhaqaaqan milatari?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ciidamada Itoobiya ayaa gaaray magaalada Zalambessa ee ku taalla xadka Eritrea kaddib markii ay dib uga riixeen xoogaggii fallaagada Tigray.
- Dowladda Itoobiya ayaa Eritrea ku eedeysay inay taageerto fallaagada ka dagaallamaysa waqooyiga dalka, waxayna sheegtay in ciidamo Eritrean ah ay gudaha dhulkeeda usoo galeen masaafo dhan 60 kiiloomitir.
- Eritrea ayaa si adag u beenisay eedeymahaas, iyadoo ku tilmaantay isku day ay Itoobiya ku raadineyso marmarsiiyo ay dagaal ku qaaddo dalkeeda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa Talaadadii gaaray magaalada Zalambessa ee ku taalla xadka Eritrea, kaddib markii ay halkaasi dib uga riixeen xoogaggii fallaagada Tigray, xilli ay sii kordhayaan walaaca laga qabo in xiisadda labada dal ay isu beddesho dagaal toos ah.
Dhaqdhaqaaqan militari ayaa kusoo beegmaya iyadoo diblomaasiyiinta caalamku ay dadaal ugu jiraan sidii looga hortagi lahaa dagaal cusub oo dhex mara Itoobiya iyo Eritrea, kuwaas oo mar kale isku haya arrimo amni iyo muranka ku saabsan damaca Itoobiya ee helitaanka marin badeed.
Lix ilo wareed, oo ay ku jiraan afar qof oo xiriir la leh dadka deegaanka, diblomaasi iyo khabiir ku xeeldheer colaadda, ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in ciidamada Itoobiya ay Talaadadii gaareen Zalambessa, oo ah magaalo ay ku nool yihiin qiyaastii 15,000 oo qof.
Magaaladan oo ku taalla dhanka Itoobiya ee xadka Eritrea ayaa horay gacanta ugu jirtay xoogagga Tigray, balse ciidamada dowladda federaalka ayaa maalmihii u dambeeyey waday weerarro rogaalcelis ah oo ay dib ugu qabsanayaan deegaannadii laga saaray.
Goobjoogayaal iyo hay’ad la socota colaadaha ayaa sheegay in ciidamada Eritrea ay toddobaadkii hore kasoo gudbeen xadka, ayna galeen Zalambessa si ay u taageeraan fallaagada Tigray. Hase yeeshee, ma cadda in ciidamada Eritrea iyo xoogaggii ay taageerayeen ay weli ku sugnaayeen magaalada Talaadadii.
Hay’adda ACLED, oo diiwaangelisa colaadaha, ayaa sheegtay in ciidamada federaalka Itoobiya iyo maleeshiyaadka dowladda taageera ee Tigray Peace Force ay Isniintii la wareegeen Zalambessa iyo deegaanka Fatsi, iyadoo ciidamada Eritrea ay dib uga gudbeen xadka.
Si kastaba, afhayeen u hadlay maleeshiyaad taageera dowladda Itoobiya ma uusan xaqiijin in ciidamada federaalku ay si buuxda ula wareegeen magaalada, halka taliska ciidanka Itoobiya iyo xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed aysan jawaab degdeg ah ka bixin codsiyo loo diray.
Dagaallada dib uga qarxay waqooyiga Itoobiya bishii Sebtembar ayaa bilowday markii isbahaysi fallaago ah oo uu hoggaaminayo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) uu qaaday weerarro ka dhan ah dowladda federaalka.
Hase yeeshee, ciidamada dowladda ayaa tan iyo markaas dib u qabsaday magaalooyin dhowr ah, iyagoo ku qasbay fallaagada inay dhanka waqooyi u gurtaan.
Itoobiya iyo Eritrea oo isku dacweeyey QM
Horumarkan militari ayaa sii xoojiyey xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa Addis Ababa iyo Asmara, iyadoo labada dowladood ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbiyeen waraaqo ay midba midda kale ku eedeynayso gardarro iyo hurinta colaadda.
Dowladda Itoobiya ayaa Eritrea ku eedeysay inay taageerto fallaagada ka dagaallamaysa waqooyiga dalka, waxayna sheegtay in ciidamo Eritrean ah ay gudaha dhulkeeda usoo galeen masaafo dhan 60 kiiloomitir.
Addis Ababa ayaa warqad ay u dirtay Golaha Ammaanka ku sheegtay in joogitaanka ciidamada shisheeye ee dhulkeeda uu ku khasbayo inay qaaddo tallaabooyin ay isku difaacayso.
Dhankeeda, Eritrea ayaa si adag u beenisay eedeymahaas, iyadoo ku tilmaantay isku day ay Itoobiya ku raadineyso marmarsiiyo ay dagaal ku qaaddo dalkeeda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Osman Saleh, ayaa Golaha Ammaanka ka dalbaday inuu cambaareeyo waxa uu ku tilmaamay ku dhawaaqista dagaal ee Itoobiya, isla markaana uu qaado tallaabooyin looga hortagayo gardarro militari.
Saleh ayaa codsigiisa ku saleeyey cutubka toddobaad ee Axdiga Qaramada Midoobay, kaas oo Golaha Ammaanka awood u siinaya inuu soo rogo cunaqabateyn ama oggolaado tallaabooyin militari oo lagu ilaalinayo nabadda iyo ammaanka caalamka.
Golaha Ammaanka ayaa lagu waday inuu Talaadadii yeesho kulan albaabadu u xiran yihiin oo looga hadlayo xaaladda Geeska Afrika, kaddib markii Mareykanku codsaday in xubnaha goluhu ka arrinsadaan colaadda sii xoogeysanaysa.
Kulankan ayaa noqonaya kii labaad ee muddo laba toddobaad gudahood ah ay xubnaha Golaha Ammaanku kaga hadlaan xaaladda waqooyiga Itoobiya, taas oo muujinaysa walaaca caalamiga ah ee laga qabo in dagaalku ku fido dalalka deriska ah.
Muranka badda iyo xiriirka labada dal
Itoobiya iyo Eritrea ayaa muddo dheer lahaa xiriir colaadeed, balse waxay heshiis nabadeed gaareen sanadkii 2018, markii uu Abiy Ahmed bilaabay dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu soo afjarayo khilaafkii labada dal.
Xiriirkooda ayaa markaas hagaagay, iyadoo Eritrea ay ciidamada dowladda federaalka Itoobiya ka garab dagaallantay dagaalkii Tigray ee socday intii u dhexeysay 2020 iyo 2022, kaas oo ay ku dhinteen boqollaal kun oo qof.
Si kastaba, xiriirka labada dal ayaa mar kale xumaaday, gaar ahaan markii Itoobiya ay billowday inay si xooggan uga hadasho baahida ay u qabto marin ay ku gaarto badda.
Itoobiya ayaa lumisay xeebihii ay isticmaali jirtay markii Eritrea ay xornimada qaadatay sanadkii 1993, waxaana tan iyo markaas ay ku tiirsaneyd dekedaha dalalka deriska ah.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku dooday in helitaanka marin badeed uu yahay arrin muhiim u ah mustaqbalka iyo jiritaanka dhaqaale ee Itoobiya, inkastoo dowladdiisu ay sheegtay inay doonayso in arrintaas lagu xalliyo wadahadal iyo hannaan nabadeed.
Eritrea ayaa dhankeeda ka walaacsan hadallada Itoobiya ee ku saabsan marin badeedka, iyadoo u aragta inay halis ku yihiin madax-bannaanideeda iyo ammaankeeda.
Xiisadda hadda taagan ayaa sidaas darteed ka gudubtay dagaalka gudaha Itoobiya, waxaana sii kordhaya cabsida laga qabo in iska horimaadyada Tigray ay isu beddelaan dagaal goboleed ballaaran, xilli Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas ay horeba uga jiraan khilaafaad amni iyo kuwo siyaasadeed.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ciidamada Itoobiya ayaa gaaray magaalada Zalambessa ee ku taalla xadka Eritrea kaddib markii ay dib uga riixeen xoogaggii fallaagada Tigray, iyadoo walaac sii kordhaya laga qabo in xiisadda labada dal ay isu beddesho dagaal toos ah.
Qodobada muhiimka ah
- Ciidamada Itoobiya ayaa gaaray magaalada Zalambessa ee ku taalla xadka Eritrea kaddib markii ay dib uga riixeen xoogaggii fallaagada Tigray.
- Dowladda Itoobiya ayaa Eritrea ku eedeysay inay taageerto fallaagada ka dagaallamaysa waqooyiga dalka, waxayna sheegtay in ciidamo Eritrean ah ay gudaha dhulkeeda usoo galeen masaafo dhan 60 kiiloomitir.
- Eritrea ayaa si adag u beenisay eedeymahaas, iyadoo ku tilmaantay isku day ay Itoobiya ku raadineyso marmarsiiyo ay dagaal ku qaaddo dalkeeda.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay ilo aan la magacaabin, oo ay ku jiraan dadka deegaanka iyo diblomaasiyiin.
- Ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha ay labada dowladood soo jeediyeen.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid Eritrea oo ku saabsan eedeymaha ay Itoobiya soo jeedisay.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda xadka Itoobiya iyo Eritrea ayaa ah mid kacsan, iyadoo dhaqdhaqaaqyada milatari iyo eedeymaha ay kordhinayaan khatarta colaadeed.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan talaabooyinka xiga ee dowladda Itoobiya ka dib dhaq-dhaqaaqan milatari?
- Sidee ayay Eritrea uga jawaabi doontaa eedeymaha ka yimid Itoobiya?
- Maxay noqon doontaa saameynta dhaqdhaqaaqan milatari ee dadka deegaanka ee Zalambessa?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa suurtagalnimada in dib loo bilaabo colaadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Eritrea, taasoo saameyn weyn ku yeelan karta xasiloonida gobolka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · eritrea · gaaray · xadka
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Soomaaliya oo Dhexdhexaad Ka Noqotay Xiisadda Itoobiya iyo Eritrea
Goobjoog Somali
- Dagaalka Tigray: Imaaraadka iyo Sacuudiga oo Indhaha lagu Hayo Kaalintooda Xiisadda Itoobiya
Goobjoog Somali
- Dowladda Deegaanka Soomaalida oo War ka soo saartay markii u horreysey ciidamadii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee galay xadka Dowlad Deedaanka Soomaalida
Hiiraanweyn