Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Amni ka Sameeyay Shabeellaha Hoose
Warka oo kooban
50 ilbiriqsiShabeellaha Hoose – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutooyinka 27-aad iyo 17-aad ee Ciidanka Dhulka, ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaannada u dhexeeya Sabiid, Caanoole iyo Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Qodobbada muhiimka ah
- Intii uu socday howlgalka, ciidanka ayaa ka hortagay falal ay kooxaha argagixisadu isku dayaan inay dhibaato ku gaarsiiyaan shacabka, gaar ahaan dadka beeraleyda ah ee ku nool deegaannadaas, kuwaas oo la sheegay in kooxahaasi ay isku dayaan inay si dhuumaaleysi ah uga qaadaan baad.
- Sidoo kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa baaritaanno miinooyin ka sameeyay waddooyinka isku xira deegaannada howlgalka laga sameeyay, si looga hortago miinooyinka ay kooxda Al-Shabaabku aasaan waddooyinka, kuwaas oo khatar ku ah shacabka isticmaala.
- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada lagu xaqiijinayo amniga shacabka iyo ka hortagga falalka kooxaha argagixisada ah ee khatarta ku ah nolosha iyo amniga bulshada.
Sida ay sheegtay Shabelle Media

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Shabeellaha Hoose – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutooyinka 27-aad iyo 17-aad ee Ciidanka Dhulka, ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaannada u dhexeeya Sabiid, Caanoole iyo Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Intii uu socday howlgalka, ciidanka ayaa ka hortagay falal ay kooxaha argagixisadu isku dayaan inay dhibaato ku gaarsiiyaan shacabka, gaar ahaan dadka beeraleyda ah ee ku nool deegaannadaas, kuwaas oo la sheegay in kooxahaasi ay isku dayaan inay si dhuumaaleysi ah uga qaadaan baad.
Sidoo kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa baaritaanno miinooyin ka sameeyay waddooyinka isku xira deegaannada howlgalka laga sameeyay, si looga hortago miinooyinka ay kooxda Al-Shabaabku aasaan waddooyinka, kuwaas oo khatar ku ah shacabka isticmaala.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada lagu xaqiijinayo amniga shacabka iyo ka hortagga falalka kooxaha argagixisada ah ee khatarta ku ah nolosha iyo amniga bulshada.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · dalka · amni · howlgal