Dagaal Xoogan oo ka Socda Muqdisho iyo Barakac xoogan oo ka bilwday magaalada
MUGADISHO, SOOMAALIYA — Waxaa weli magaalada Muqdisho ka socda dagaal xooggan oo geystay khasaare baaxad leh, kaas oo bilowday gelinkii dambe ee shalay, soona gaaray maanta. Dagaalkan ayaa si weyn uga soconaya degmooyinka Howlwadaag iyo Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, iskahorimaadka ayaa hadda ku sii fidaya xaafado ka tirsan […]

Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in dagaal xoogan uu ka socdo Muqdisho, Soomaaliya, kaas oo bilowday shalay iyo khasaare baaxad leh oo ka dhashay. Dagaalku wuxuu si weyn uga soconayaa degmooyinka Howlwadaag iyo Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.
Qodobada muhiimka ah
- Dagaalku wuxuu sababay khasaare badan iyo barakac boqolaal ah oo dad ah.
- Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay adeegsanayaan hub noocyo kala duwan ah.
- Dagaalku wuxuu carqaladeeyay isu socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo inta badan ganacsiga, oo ay ku jirto Dekedda Weyn, xiran yihiin.
- Dagaalku wuxuu ku fidaya xaafado ay ku sugan yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin kale.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan tirada khasaare ama baaxadda dagaalka.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid dhinacyada ku lugta leh dagaalka.
- Faahfaahinta ku saabsan sababaha gaarka ah ee dagaalka ma jiraan.
Gunaanadka akhristaha
Dagaalka socda ee Muqdisho wuxuu sababayaa dhibaatooyin bini'aadantinimo oo weyn, oo ay ku jiraan barakac iyo carqaladeyn nololeed.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin sababaha aasaasiga ah ee dagaalka?
- Immisa khasaare ayaa la xaqiijiyay?
- Maxaa la sameynayaa si loo caawiyo dadka barakacay?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
MUGADISHO, SOOMAALIYA — Waxaa weli magaalada Muqdisho ka socda dagaal xooggan oo geystay khasaare baaxad leh, kaas oo bilowday gelinkii dambe ee shalay, soona gaaray maanta. Dagaalkan ayaa si weyn uga soconaya degmooyinka Howlwadaag iyo Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.
Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, iskahorimaadka ayaa hadda ku sii fidaya xaafado ka tirsan degmada Howlwadaag, gaar ahaan aagga ay ku suganyihiin Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin kale oo uu horkacayo Ugaaska Guud ee beesha Murusade. Ciidamada dowladda ayaa la soo sheegayaa inay dagaalka u adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo tan iyo saakayna ay socoto daadgureynta dadka ku dhaawacmay colaadda.
Saameynta ka dhalatay dagaalkan ayaa ku khasabtay boqolaal shacab ah inay ka barakacaan guryahooda, maadaama laga cabsi qabo inuu dagaalku sii daba-dheeraado marka loo eego ciidamada gurmadka ah ee u kala imaanaya dhinacyada is haya. Sidoo kale, waxaa gabi ahaanba istaagay isku-socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana xiran inta badan goobaha ganacsiga oo ay ku jirto Dekedda Weyn ee Magaalada Muqdisho.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan