Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Dagaal Xooggan Oo Ka Dhacay Duleedka magaalada Baydhabo
BAYDHABO – Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe uu dagaal culus ka dhacay meel aan ka fogeyn magaalada, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulkaasi, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen). Dagaalka ayaa la sheegay inuu billowday [&
Dagaal culus ayaa ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, iyadoo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Maxaa la shaaciyey
- Dagaalka ayaa billowday kadib markii ciidamada taabacsan Lafta-gareen ay weerar ku qaadeen bar-koontarool.
- Iska horimaadka ayaa socday muddo kooban iyadoo la isku adeegsaday hub culus iyo mid fudud.
- Xiisadda ayaa ka dhalatay isbeddellada siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan doorashadii hoggaamiyaha cusub.
Macnaha guud
Dagaalku wuxuu ka dambeeyay isbeddelladii siyaasadeed ee ka dhacay Koonfur Galbeed, kadib markii ciidamada dowladda ay awoodda kala wareegeen maamulka hore.
“ma aysan aqoonsaneyn natiijada doorashadaasi, iyagoo ku hanjabay inay qaadi doonaan howlgal ay ku tilmaameen mid lagu “xoreynayo” magaalada Baydhabo.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan xaaladda amni ee Baydhabo iyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan deegaanka.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
BAYDHABO – Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe uu dagaal culus ka dhacay meel aan ka fogeyn magaalada, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulkaasi, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Dagaalka ayaa la sheegay inuu billowday kadib markii ciidamada taabacsan Lafta-gareen ay weerar ku qaadeen bar-koontarool oo laga ilaaliyo magaalada Baydhabo. Iska horimaadka ayaa socday muddo kooban, iyadoo la isku adeegsaday hub culus iyo mid fudud.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalku sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaallamay, hase yeeshee illaa iyo hadda lama hayo tiro rasmi ah oo xaqiijinaysa baaxadda khasaaraha.
Xiisaddan ayaa daba socota isbeddelladii siyaasadeed ee ka dhacay Koonfur Galbeed, gaar ahaan kadib markii ciidamada dowladda ay awoodda kala wareegeen maamulkii hore ee uu hoggaaminayay Lafta-gareen. Arrintaasi ayaa keentay in ciidamada maamulkaasi ay u kala jabaan kuwo ku biiray dowladda iyo kuwo weli taageersan hoggaankii hore.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.