Dagaalka Itoobiya oo sii Xoogeystay, iyo Kooxda TLF oo qabsaday saddex garoon Diyaaradeed
Dowladda Federaalka iyo TPLF ayaa isku eedeynaya bilaabidda dagaalka cusub. Saraakiisha Tigray waxay sheegeen inay iska difaacayaan weerar federaal ah, halka Addis Ababa ay TPLF ku eedeysay inay weerarro ka billowday Tigray kuna fidisay Amhara iyo Afar.

Waxa muhiimka ah
- Dowladda Federaalka iyo TPLF ayaa isku eedeynaya bilaabidda dagaalka cusub.
- Militariga Itoobiya ayaa sheegay inuu dilay 272 dagaalyahan oo Tigray ah.
- Isbahaysi cusub oo ka kooban toddobo kooxood hubeysan ayaa la sheegay inay ka soo horjeedaan dowladda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Jimco, 25 Seb 2026 {HMC} Dowladda Federaalka iyo TPLF ayaa isku eedeynaya bilaabidda dagaalka cusub. Saraakiisha Tigray waxay sheegeen inay iska difaacayaan weerar federaal ah, halka Addis Ababa ay TPLF ku eedeysay inay weerarro ka billowday Tigray kuna fidisay Amhara iyo Afar.
Militariga Itoobiya ayaa sheegay inuu qaaday weerar rogaal-celin ah, isagoo sheegtay inuu dilay 272 dagaalyahan oo Tigray ah isla markaana dhaawacay 260 kale. Tiradaas si madax-bannaan looma xaqiijin.
Xiisadda ayaa kusoo beegmaysa maalmo kadib markii toddobo kooxood oo hubeysan, oo ay ku jiraan TPLF, Amhara Fano National Movement iyo Oromo Liberation Army, ay ku dhawaaqeen isbahaysi cusub oo kasoo horjeeda dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale Eritrea ku eedeysay inay taageerto qaar kamid ah kooxahaas. Eritrea ayaa hore u beenisay eedeymo la mid ah, mana jirto xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashada cusub.
Midowga Afrika ayaa ka digay sii xumaanshaha xaaladda, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada inay dib ugu noqdaan heshiiskii Pretoria.
Dadka ku nool Mekelle iyo deegaanno kale ayaa bilaabay inay kaydsadaan raashin iyo lacag caddaan ah, halka qaar kalena ay ka qaxayaan goobaha dagaalka, sida ay werisay AP.
Qabsashada saddexda garoon, dagaalka kusii fidaya Amhara iyo Afar iyo soo bixitaanka isbahaysiga cusub ee kooxaha hubeysan ayaa Itoobiya geliyey mid kamid ah marxaladihii amni ee ugu halista badnaa tan iyo dhammaadkii dagaalkii Tigray sanadkii 2022
Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · dagaalka · itoobiya · tlf
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada