Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo kulamo la yeeshay Wasiirka Macdanta dalkaasi
Ouagadougou, Burkina Faso – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan Khaliif, ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee Burkina Faso, Yacouba Zabré Gouba. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray fursadaha maalgashi ee waaxda macdanta iyo sidii ganacsatada Soomaaliyeed uga faa’iideysan lahaayeen khayraadka iyo fursadaha maalgashi ee dalkaas. &

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Ouagadougou, Burkina Faso – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan Khaliif, ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee Burkina Faso, Yacouba Zabré Gouba. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray fursadaha maalgashi ee waaxda macdanta iyo sidii ganacsatada Soomaaliyeed uga faa’iideysan lahaayeen khayraadka iyo fursadaha maalgashi ee dalkaas.
Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee Burkina Faso, Yacouba Zabré Gouba, ayaa Danjiraha si diirran ugu soo dhaweeyay xafiiskiisa, isagoo sheegay in dalkiisu ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga labada dal. Waxa uu xusay in albaabadu u furan yihiin ganacsatada Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale Danjiraha la wadaagay macluumaad ku saabsan nidaamka ruqsadaha baarista macdanta iyo howlaha ballaaran ee soo saarista dahabka ee ka socda Burkina Faso, oo ka mid ah dalalka ugu wax-soo-saarka badan dahabka qaaradda Afrika.
Sidoo kale, Danjire Jaamac Xasan Khaliif ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso, Roland Achille Sow. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Burkina Faso, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray sidii kalluunka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa suuqyada Burkina Faso. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ayaa si weyn u soo dhaweeyay hindisahaas, isagoo muujiyay diyaar u ahaanshaha xoojinta iskaashiga ganacsi ee labada dal.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.